Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Muslimiinta Filistiin Iyo Maamulka Yahuuda Oo Madaafiic Is Weydaarsaday.
  • Allposts
  • Warar

Muslimiinta Filistiin Iyo Maamulka Yahuuda Oo Madaafiic Is Weydaarsaday.

May 29, 2018

Wararka ka imaanayo dhulka Filistiin ayaa sheega in saaka aroorti duqeymo xoogan ay ka dheceen qeybo ka mid ah magaalooyinka dhaca xuduud beenaadka kala qeybiya Gaza iyo dhulka Yuhuuda ay gumeysato.

Duqeynta oo ay is weydaarsadeen kooxaha muqaawamada filistiiniyiinta ee ka dagaalama Gaza iyo ciidanka Yuhuuda ayaa ka dhacday deegaanada xuduuda ah waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo labada dhinac soo kala gaaray.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in subaxnimadi hore ee saaka ay kusoo tooseen jugta madaafiic culculus oo ciidanka Sahayuuniyada ay ku garacayeen goobo ay tuhunsan yihiin inay xeryo kuleeyihiin Muqaawamada iyo diyaaradaha dagaalka Yuhuuda oo si aad ah u dul heehaabaya Magaalada gaza.

Saxafi kasoo warama Magaalada gaza ayaa isna sheegay in duqeynta Yuhuuda ay ka horeysay duqeyn ay geysteen kooxaha Muqaawamada taas oo beegsatay qaar kamid ah xaafadaha lagu deegaameyey Yuhuuda ee dhaca Xuduud beenaadka.

Wazaarada difaaca maamulka yuhuuda ayaa dhankeeda sheegtay in qalabkeeda difaaca circa ee loo yaqaan Patriot uu ka hor tagay kudhawaad 30 Madfac oo ahaa hoobiyeyaal lagasoo tuuray dhanka Magaalada Gaza, kuwaas oo lala damacsana in lagu laayo dadka yuhuuda ah, waxa ayna ka dalbadeen Muwaadiniintooda inay ku nagaadaan godadka laga galo duqeymaha ee cidanka yuhuuda ay u diyaariyeen.

Magaalooyinka Dhaca Xuduud beenaadka kala qeybiyo Gaza iyo Dhulka Yuhuuda ay gumeysato ayaa maanta laga wada maqlay tiro 4 jeer ah codadka qalabka Digininta bixiya, waxaana laga dareemaya xaalad feejignaan ah oo adag.

Raisal Wazaaraha Yuhuuda Binyamin Natanyahu oo hadlay ayaa isna ku hanjabay inay jawaab adag ka bixin doonaan weerarkii Maanta, oo uu masuuliyadiisa dusha ka saaray Xarakada Xamaas iyo Xarakada Jihaadul Islaami.

wararkii u danbeeyey ee galabta soo baxay ayaa sheegaya in duqeynti ay geysteen Muqaawamada ay ku dhaawacmeen ilaa Lix Askari oo Yuhuud ah oo mid kamid ah xaaladiisa ay tahay mid liidato, sida ay qoreen warbaahinada faafiya arimaha Filisitiin.

Xarakada Xamaas iyo Kooxda lagu magacaabo Saraya Alquds ayaa ku sheegtay Masuuliyada duqeymihi Maanta dhacay bayaan wada jir ah oo caawa fiidkii ay soo saareen.

 

Weerarkaan hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday Maamulka Yuhuuda ayaa noqonaya weerarki ugu xoogana oo Sahayuuniyada ay la kulmaan wixii ka danbeeyey dagaalki 2014kii, waxaana laga cabsi qabaa in xaalada ay faraha ka baxdo dagaala toos ahna ay ka dilaacaan Marinka Gaza.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaallo Culus Oo Markale Ka Dhacay Gobalka Shabeelada Hoose.
Next: Akhriso Faahfaahin Laga Helayo Qarax Khasaara Culus Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Wallanweyn.

Related Stories

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Maleeshiyo Lagu Weeraray Isbaaro U Tiillay Duleedka Diinsoor.

January 18, 2026
WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.
  • Allposts
  • Warar

WAR SAXAAFADEED: “Weeraro Cagmarin Ah Oo Ka Dhacay Duleedka Warsheekh”.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Warbixin+Sawirro: Mujaahidiinta Nusratul Islaam Oo Cagta Mariyay Saldhig Millatari.

November 12, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada