Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Dhulka Soo Dhigtay Diyaarad Ay Leedahay NATO.
  • Allposts
  • Warar

Imaarada Islaamiga Afghanistan Oo Dhulka Soo Dhigtay Diyaarad Ay Leedahay NATO.

September 2, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka afghanistan ayaa sheegaya in diyaarad Helicopter ah oo isbaheysiga NATO ay lahaayeen ay ku burburtay qeybo kamid ah wilaayada Balakh ee dhacda woqooyiga dalka Afghanistaan, halkaasna ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen askar isugu jirtay American iyo kuwa dowladda.

Diyaarada oo nooceeda lagu Sheegay MI14 ayaa soo dhacday daqiiqado yar kadib markii ay ka duushay saldhig military oo ciidamada NATO ay kuleeyihin wilaayada Balakh, waxaana lagusoo waramayaa inay kusii socotay dhanka gobolka Faryab oo isna dhaca isla woqooyiga dalka afgaanistaan.

Warar hordhac ah oo la helay ayaa sheegaya in diyaarada ay saarnaayeen ilaa 10 askari oo isugu jira 2 Pilot oo Ajnabi ah, kana tirsan ciidanka NATO, 4 kamid ah ciidanka Military xukuumada afgaanistaan iyo 4 kale oo katirsana ciidanka police-ka xukuumada uu hagaamiyo Ashraf Ghaani.

 

Inta la xaqiijiyey 1 Pilot oo Ajnabi ah iyo 4 askari oo afgaaniyiin ah ayaa ku dhintay shilkan diyaaadeed oo dhacay manta barqadii, waxaana lagusoo waramayaa in diyaarada gabi ahaanba ay burburtay oo aysan lahayn raja danbe.

Afhayeenka ciidanka xukuumada Afgaanistaan ayaa xaqiijiyey in diyaarada ciidan oo uu leeyahay isbaheysiga NATO inay kusoo dhacday dhulka buuraley ah oo kuyaala meel ku dhow isa saarka gobolada Faryaab iyo Balakha oo wada dhaca woqoyiga dalka afganistan, waxa uuna qiray dhimashada Pilot ajnabiga ah iyo 2 askari oo militaryga xukuumada afgaansitaan katirsan iyo dhaawaca 3 kale.

Wuxuu  sheegay in diyaarada ay usoo dhacday cilad farsamo, aysana jirin wax rasaas ah oo ay la kulantay kahor inta aysan soo dhicin, isagoona inta ku daray in diyaarada uu dab xoogan ka kacay kadib markii ay garoonka ka duushay, kaas oo sababay burburkeeda.

Imaarada islaamiga ah ee afgaanistaan oo iyana war kasoo saartay burburka diyaarada cadawga ayaa sheegtay in diyaarada ay kusoo dhacday gobolka Balakh, dhamaan dadkii saarnaana aysan jirin wax ka badbaaday oo ay goobta ku dhigteen, waxa ayna baahisay sawiro lagasoo qaaday burburka diyaarada, taas oo cadeyneysa sax ahaanshaha warka ay soo saartay.

Taliban waxay sheegtay in ciidankeeda ay soo rideen diyaaradda iyo in cilad farsamo darted ay usoo dhacday, kaliyana waxa ay xaqiijisay burburka diyaarad helicopter ah oo saliibiyiinta afgaanistaan duulaanka kujooga ay leeyihiin iyo dhimashada dhamaan dadki diyaarada saarna.

Ma ahan marki ugu horeysay oo diyaarad sidan ah ay ku burburto gudaha dalka afgaanistaan, bil kastaana gudaha wadankaas waxaa lagasoo diiwaan galiyaa burburka 2 ilaa 5 kamid ah diyaaradaha dagaalka cadawga ee isugu jira kuwa ciidanka daabula, kuwa wax basaasa iyo kuwa dagaalka intaba.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Sarkaal Iyo Askari Lagu Dilay Suuqa Bakaaraha.
Next: Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Diinsoor.

Related Stories

Axmed Madoobe Iyo Deni Oo Dhaliilay Siyaasadda Xassan Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Axmed Madoobe Iyo Deni Oo Dhaliilay Siyaasadda Xassan Gurguurte.

June 26, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1447-Hijri.

June 26, 2025
Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Deegaanka Ilcad Ee Bariga Hiiraan.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo La Wareegay Deegaanka Ilcad Ee Bariga Hiiraan.

June 26, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada