Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ku Dhawaad Kun Ruux Oo Ku Dhimatay Dhul Giriirkii Ku Dhuftay Dalka Indonesia.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad Kun Ruux Oo Ku Dhimatay Dhul Giriirkii Ku Dhuftay Dalka Indonesia.

September 30, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka Indonesia ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dhul gariirkii Shalay ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi ee dhacda woqooyiga dalka uu si aad ah iskusoo tarayo, halka dhimashadana ay sii caga cageyneyso ilaa 832 qof.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka dalka Indonesia oo maanta barqadii war kasoo saartay halka ay marayaan howllaha gurmadka ee lagu baadi goobayo kumanaan dad ah oo burburka ku hoos jira ayaa sheegtay In howsha aysan ahayn mid sahlan, daqiiqad kastaana la filan karo in dhimashada ay sare usii kacdo.

Isbitaallada caafimaadka ayaa lagusoo waramayaa in dadka dhaawacyada qabaa ay buux dhaafiyee,kuwaas oo gaaraya kumanaan qof.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Indonesia ayaa isna ka dhawaajiyey in dhul gariiriki iyo Sunaamigii ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi, khasaaraha ugu badan uu gaarsiiyey magaalooyinka Palo iyo Dongala, inkastoo dhanka magaalada Dongalo ay si daran ugu saamowday ilaa iyo hadana xiriirkeedu uu yahay mid aad u liita.

 

Dadka lasoo badbaaday iyo dadka dhintay ee kujira diiwaanka Dowlada Indonesia waxa ay u badan yihiin dadki ku dhaqna caasimada gobolka Palo, walina wax war ah oo dhameystiran lagama hayo 300 Kun oo qof oo ku dhaqna Magaalada Dongalo sida ay sheegayaan saraakiil sar sare oo katirsan xukuumada Indonesia.

Dongalo ayaa aad ugu dhaweyd goobta uu dhul gariirku ka dhacay, sidoo kalena magaalada waxaa ku dhuftay Mowjado Sunami ah oo dhirirkooda lagu qiyaasay ilaa lix Mitir inay gaarayeen, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay ka badan doonto inta laga diiwaan galiyey magaalada Palo oo ah caasimada gobolka Sulawesi.

Hey’ada la socodka dhul gariirada wadanka Indonesia ayaa ka dhawaajisay in Awooda uu lahaa dhul gariirka hada ku dhuftay wadanka iyo Dabka uu bixinayaba ay ka awood badneyd wax ka badan 200 jeer Nuclearki Mareykanku ku dhuftay Magaalada Herushima oo katirsan wadanka Japan intii lagu guda jiray dagaalki labaad ee dunida.

Wadanka Indonesia ayaa hada lagaliyey xaalad degdeg ah, waxaana laga cabsi qabaa in dhul gariiro hor leh ay ku dhuftaan jaziiradaha wadankaas, dadkuna waxa ay ku sugan yihiin goobo ka baxsan dhismayaasha dhaadheer si hadii dhul gariir uu dhoco aysan guryaha ugusoo dumin.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in tirada dadka ku maqan magaalada Palo oo kaliya ay dhantahay 335,000 oo qof, taas oo ka dhigan in xitaa hadii ay bad qabaan ay ku hoos jiraan burburka guryaha.

Sidoo kale Waxaa jiro boqolaal dad ajnabi ah oo usoo daawasho tagay mahrajaan ka dhacayey xeebta magaalada Palo maalinki Jimcaha, kuwaas oo tiro kamid ah ilaa iyo hada lala,yahay sida ay shaacisay wazaarada arimaha dibada wadanka Indonesia.

Afhayeenka u hadlay hey’ada Maareynta Masiibooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhaqan jazeeradaha ay digniin u direen ka hor inta uusan dhul gariirku dhicin, sidoo kalena mowjadaha hirarka Sunamiga aysan soo gaarin xeebta, balse dadku ay dhayelsaden, taasna ay keentay inay noqdaan dadki ugu badnaa ee waxyeelado ay saameysay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Mowjadaha Sunamiga ay ahaayeen kuwa layaab leh oo ku socda xawaare aan horey loo arag, saacadiina ay jarayeen wax ka badan 800Km, waxa uu tilmaamay inay horey usii qaateen gaadiid, geedo, guryo iyo wax kasta oo ka hor yimid, ilaa markii danbe ay ku biya shubteen xeebaha woqooyi ee wadanka.

Wasaarada caafimaadka wadanka Indonesia ayaa amar ku bixisay in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala gaaro Jazeerada Sulawesi, xilli isbitaaladii magaaloyinka ay masiibadu ka dhacday ay shaqada gabeen, dadkana lagu daweynayo wadooyinka.

Qof kamid ah dad ku dhaqan magaalada Palo ayaa warbaahinta u sheegay, in dadka intoodii badbaaday aysan heysan, wax ay cunaan, wax ay cabaan iyo dawooyin la siiyo dadka dhaawacyada la il daran, inkastoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in goor danbe oo manta ah ay jazeerada gaareen ilaa 8 diyaarad oo ah kuwa loo yaqaan c130 ee xamuulka ciidanka qaada, kuwaas oo hawada sare dadka ugasoo tuurayey cunto, biyo nadiif ah iyo dawooyin.

Madaxweynaha Dalka Indonesia Joko Widudu ayaa isna lagusoo waramayaa in goor danbe oo manta ah uu gaaray jazeerada Sulawesi oo ah halka ay dhul gariirka iyo Sunaamiga ku dhufteen, isagoona waxa meesha ka dhacay ku tilmaamay Masiibo Qaran.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Hiiraan: Dagaallo Culus Oo Dib Kaga Qarxay.
Next: Kenya; Dad Badan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Gaari.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-12-1446-Hijri.

June 26, 2025
Dhagayso: Sh Abu Nabhaan Oo Ka Hadlay Howlgalkii Duleedka Ceel-qooxle Iyo Khasaaraha Oo Kordhay.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso: Sh Abu Nabhaan Oo Ka Hadlay Howlgalkii Duleedka Ceel-qooxle Iyo Khasaaraha Oo Kordhay.

June 25, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-12-1446-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-12-1446-Hijri.

June 25, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 18 aad)

June 16, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 17 aad)

June 12, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada