Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ku Dhawaad Kun Ruux Oo Ku Dhimatay Dhul Giriirkii Ku Dhuftay Dalka Indonesia.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad Kun Ruux Oo Ku Dhimatay Dhul Giriirkii Ku Dhuftay Dalka Indonesia.

September 30, 2018

Wararka ka imaanayo wadanka Indonesia ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dhul gariirkii Shalay ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi ee dhacda woqooyiga dalka uu si aad ah iskusoo tarayo, halka dhimashadana ay sii caga cageyneyso ilaa 832 qof.

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka dalka Indonesia oo maanta barqadii war kasoo saartay halka ay marayaan howllaha gurmadka ee lagu baadi goobayo kumanaan dad ah oo burburka ku hoos jira ayaa sheegtay In howsha aysan ahayn mid sahlan, daqiiqad kastaana la filan karo in dhimashada ay sare usii kacdo.

Isbitaallada caafimaadka ayaa lagusoo waramayaa in dadka dhaawacyada qabaa ay buux dhaafiyee,kuwaas oo gaaraya kumanaan qof.

Madaxweyne ku xigeenka Dalka Indonesia ayaa isna ka dhawaajiyey in dhul gariiriki iyo Sunaamigii ku dhuftay Jaziiradda Sulawesi, khasaaraha ugu badan uu gaarsiiyey magaalooyinka Palo iyo Dongala, inkastoo dhanka magaalada Dongalo ay si daran ugu saamowday ilaa iyo hadana xiriirkeedu uu yahay mid aad u liita.

Dadka lasoo badbaaday iyo dadka dhintay ee kujira diiwaanka Dowlada Indonesia waxa ay u badan yihiin dadki ku dhaqna caasimada gobolka Palo, walina wax war ah oo dhameystiran lagama hayo 300 Kun oo qof oo ku dhaqna Magaalada Dongalo sida ay sheegayaan saraakiil sar sare oo katirsan xukuumada Indonesia.

Dongalo ayaa aad ugu dhaweyd goobta uu dhul gariirku ka dhacay, sidoo kalena magaalada waxaa ku dhuftay Mowjado Sunami ah oo dhirirkooda lagu qiyaasay ilaa lix Mitir inay gaarayeen, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay ka badan doonto inta laga diiwaan galiyey magaalada Palo oo ah caasimada gobolka Sulawesi.

Hey’ada la socodka dhul gariirada wadanka Indonesia ayaa ka dhawaajisay in Awooda uu lahaa dhul gariirka hada ku dhuftay wadanka iyo Dabka uu bixinayaba ay ka awood badneyd wax ka badan 200 jeer Nuclearki Mareykanku ku dhuftay Magaalada Herushima oo katirsan wadanka Japan intii lagu guda jiray dagaalki labaad ee dunida.

Wadanka Indonesia ayaa hada lagaliyey xaalad degdeg ah, waxaana laga cabsi qabaa in dhul gariiro hor leh ay ku dhuftaan jaziiradaha wadankaas, dadkuna waxa ay ku sugan yihiin goobo ka baxsan dhismayaasha dhaadheer si hadii dhul gariir uu dhoco aysan guryaha ugusoo dumin.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegeysa in tirada dadka ku maqan magaalada Palo oo kaliya ay dhantahay 335,000 oo qof, taas oo ka dhigan in xitaa hadii ay bad qabaan ay ku hoos jiraan burburka guryaha.

Sidoo kale Waxaa jiro boqolaal dad ajnabi ah oo usoo daawasho tagay mahrajaan ka dhacayey xeebta magaalada Palo maalinki Jimcaha, kuwaas oo tiro kamid ah ilaa iyo hada lala,yahay sida ay shaacisay wazaarada arimaha dibada wadanka Indonesia.

Afhayeenka u hadlay hey’ada Maareynta Masiibooyinka ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku dhaqan jazeeradaha ay digniin u direen ka hor inta uusan dhul gariirku dhicin, sidoo kalena mowjadaha hirarka Sunamiga aysan soo gaarin xeebta, balse dadku ay dhayelsaden, taasna ay keentay inay noqdaan dadki ugu badnaa ee waxyeelado ay saameysay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Mowjadaha Sunamiga ay ahaayeen kuwa layaab leh oo ku socda xawaare aan horey loo arag, saacadiina ay jarayeen wax ka badan 800Km, waxa uu tilmaamay inay horey usii qaateen gaadiid, geedo, guryo iyo wax kasta oo ka hor yimid, ilaa markii danbe ay ku biya shubteen xeebaha woqooyi ee wadanka.

Wasaarada caafimaadka wadanka Indonesia ayaa amar ku bixisay in gurmad caafimaad oo deg deg ah lala gaaro Jazeerada Sulawesi, xilli isbitaaladii magaaloyinka ay masiibadu ka dhacday ay shaqada gabeen, dadkana lagu daweynayo wadooyinka.

Qof kamid ah dad ku dhaqan magaalada Palo ayaa warbaahinta u sheegay, in dadka intoodii badbaaday aysan heysan, wax ay cunaan, wax ay cabaan iyo dawooyin la siiyo dadka dhaawacyada la il daran, inkastoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in goor danbe oo manta ah ay jazeerada gaareen ilaa 8 diyaarad oo ah kuwa loo yaqaan c130 ee xamuulka ciidanka qaada, kuwaas oo hawada sare dadka ugasoo tuurayey cunto, biyo nadiif ah iyo dawooyin.

Madaxweynaha Dalka Indonesia Joko Widudu ayaa isna lagusoo waramayaa in goor danbe oo manta ah uu gaaray jazeerada Sulawesi oo ah halka ay dhul gariirka iyo Sunaamiga ku dhufteen, isagoona waxa meesha ka dhacay ku tilmaamay Masiibo Qaran.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Hiiraan: Dagaallo Culus Oo Dib Kaga Qarxay.
Next: Kenya; Dad Badan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Gaari.

Related Stories

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026
Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Gobolka Tigray Oo Jawaab Ka Bixiyay Go’aan Kasoo Baxay Jabhadda TPLF.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada