Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Tirakoobka Zakada Xoolaha Nool ee 1440-ka Hijriyada Laga Qeybiyay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Warar

Tirakoobka Zakada Xoolaha Nool ee 1440-ka Hijriyada Laga Qeybiyay Wilaayaadka Islaamiga.

December 2, 2018

Dhamaan wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya, waxaa sanadkan si wanaagsan looga qeybiyay zakada xoolaha nool, taas oo ay ka faa’ideysteen kumanaan qoys oo masaakiin ah.

Sanadkan 1440-ka hijriyada waxaa zakada xoolaha nool laga qeybiyay ugu yaraan 8 wilaayo oo dhaca koonfurta iyo bartamah dalka Soomaaliya, waxaana wadarta guud ee xoolaha la qeybiyay ay gaarayaan 22,451 neef oo isugu jira ari, geel iyo Lo’.

Dadka ka faa’ideystay qeybinta zakada xoolaha nool waxay tiradoodu gaareysaa 6269 qoys, oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo kamid noqday noocyada uu Allaah amray in la siiyo zakada.

Wilaayaadka laga qeybiyay zakada waxay kala yihiin, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe, Baay iyo Bakool, Jubbooyinka, Gedo, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Wilaayada Shabeellaha hoose waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 3067 neef, kuwaas oo 2762 kamid ahaa ariga, halka 213 neefna ay ahaayeen geel, 92 neefna waxay ahaayeen Lo’da oo kamid ah xooalaha laga dhaqdo Shabeellaha hoose.

818 qoys ayaa ka faa’ideystay Shabeellaha hoose oo keliya, waxaana qoysaska qaar la siiyay 20 neef oo ari ah, ama hal neef oo geel ah, ama labo neef oo Lo’ ah, waxaana dadku ay ahaayeen kuwa aad ugu faraxsan zakada la siiyay.

Degmooyinka Baraawe, Sablaale, Jannaale, Awdheegle iyo kuwa kaloo badan ayayna ka dhacday qeybinta sakada xoolaha nool.

Baay iyo Bakool ayaa ahayd wilaayada ugu badan ee laga qeybiyay zakada xoolaha nool, tirada xoolaha la qeybiyay waxay gaarayaan 6500 oo neef, 500 oo kamid ah waa Geel, inta soo hartayna waxay ahaayeen Ari.

1700 oo qoys oo muslimiin ah ayaa ka faa’ideystay qeybinta zakada, waxaana deegaannada laga qeybiyay kamid ah Buula-fullaay, Labaatan Jirow iyo kuwa kale.

Wilaayada Jubbooyinka waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 3373 neef, 544 kamid ah waa geel, 464-na waa Lo’, halka 2365 ay ahaayeen ari, waxaana loo qeybiyay 1249 qoys.

Wilaayada Shabeellaha dhexe waxay qeybisay xoolo gaaraya 1339 neef, waxaana dadka loo qeybiyay 217 qoys, 20 kamid ah qoysaskaas waxaa la siiyay min 20 neef.

Wilayaada islaamiga ee Gedo waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 2855 neef, waxaana ka faa’ideystay 1375 qoys, kuwaas oo boqol kamid ah la siiyay 20 neef oo ari ah.

Markaan u imaano wilaayaadka dhaca bartamaha Soomaaliya, Hiiraan waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 2600 oo neef oo ari ah, iyo 150 neef oo geel ah, waxaana loo qeybiyay dad gaaraya 560 qoys, kuwaas oo 36 kamid ah helay min 20 neef oo ari ah.

Deegaannada Hiiraan hoos yimaada ee laga qeybiyay zakada waxaa kamid ah Moqokori, Buq Aqbale, Ceel-cali iyo deegaanno kale.

Wilaayada islaamiga ee Galgaduud oo ahayd wilaayadii ugu horeysay ee sanadkan laga qeybiyo Zakada xoolaha nool waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 2067 neef oo ari ah, waxaana ka faa’ideystay 300 oo qoys, 64 kamid ah qoysaskaasna waxaa la siiyay min 20 neef oo ari ah, iyagoona ballanqaaday iney dhaqan doonaan.

Ugu dambeyn wilaayada islaamiga ee Mudug, waxaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 500 oo neef oo ari ah, waxaana ka faa’ideystay 50 qoys oo mid weliba oo kamid ah la siiyay 10 neef oo ari ah.

Deegaannada laga qeybiyay waxaa kamid ah Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada, Jowlo iyo deegaannada ku xeeran iyo deegaanno kale.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sanadkii 11-aad oo xiriir ah waxay wilaayaadka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka qeybineysaa Zakada kala duwan, iyadoona ay xusid mudantahay in sanadkan wilaayada Banaadir laga qeybiyay lacago zako ah oo gaaraya boqollaal kun oo dollar .

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Waaligii Wilaayada Helmand Oo Duqeyn Diyaaradeed Lagu Dilay.
Next: Mas’uul Ka Tirsan Dowladda Oo Muqdisho Lagu Dilay Iyo Shabaabul Mujaahidiin Oo Sheegtay.

Related Stories

Daawo Muuqaalka Waa Sidee Xaaladda Degmada Maxaas Ee Bariga Wilaayada Hiiraan.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Waa Sidee Xaaladda Degmada Maxaas Ee Bariga Wilaayada Hiiraan.

August 13, 2025
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -20-02-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -20-02-1447-Hijri.

August 13, 2025
Cudur Halis Ah Oo Dad Badan Kusoo Ritay Magaalooyin Kuyaal Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

Cudur Halis Ah Oo Dad Badan Kusoo Ritay Magaalooyin Kuyaal Soomaaliya.

August 13, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 25 aad)

July 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 24 aad)

July 18, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 23 aad)

July 13, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025

Sawirro

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Dad Soomaaliyeed Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dab Ka Kacay Koonfur Africa.

August 9, 2025
Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Raadadka Maleeshiyadii Alpha Group Ee Lagu Laayay Duleedka Afgooye.

August 5, 2025
Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Oo Maanta La Wareegay Deegaanka Goobo.

August 4, 2025
Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta 2-aad Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Weerarka Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin U Xoreeyeen Degmada Maxaas.

July 27, 2025
Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Mujaahidiintu Cagta U Mariyeen Saldhigyadii Uganda Iyo Maleeshiyada Ee Sabiid.

July 25, 2025
Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Inka Badan 30 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Burkiina Faso+Sawirro.

July 20, 2025
Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Bulshada Reer Tardo Oo Soo Dhaweyn Usameeyay Ciidamada Mujaahidiinta.

July 15, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Tardo.

July 13, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada