Dhacdo argagax leh oo saameysay dadka Soomaaliyeed ayay ciidamada Bankrafta ee ka amar qaata kuwa Maraykanka ka geysteen deegaan hoostaga degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose.
Duhurnimadii maanta ayaa ciidamo Bankraf ah waxay duulaan kusoo qaadeen dad beeralley ah oo ku sugnaa duleedka Wallaweyn, halkaas oo ay ku falanayeen beerahooda.
Ugu yaraan 6 ruux oo qaraabo ah ayay goobta ku dileen, iyagoona kadib ku laabtay halkii ay kasoo duulaan tageen ee garoonka Ballidoogle.
Nabadoon Cumar Jiiidane oo ah nabadoonka beesha Shanta caleemood, ayna kasoo jeedaan dadka gumaadka loo geystay ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Al-Furqaan wuxuu kaga waramay dhacdada iyo qaabka dadka loo dilay.
Cumar Jiidane Nabadoonka Shanta caleemood