Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay ku suganyihiin ciidamo huwan ah oo Soomaali iyo Afrikaan isuga jira ayaa waxaa ka dhacay duqeymo xoogan oo lagu garaacay saldhigyada ciidamada dowladda federaalka.
Ugu yaraan 30 baalooto oo qoriga Hoobiyaha ah ayaa lagu dhuftay saldhiga ay ciidamada dowladda federaalka ku leeyihiin degmada Awdheegle.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya iney arkayeen madaafiicda oo gudaha ugu hoobaneysa saldhigyada ciidamada dowladda federaalka, iyo ciidanka oo qeyla dhaaminaya.
Waxyeelo isuga jira khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashey duqeymahan xoogan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku garaacday saldhiga ciidamada dowladda federaalka ee degmada Awdheegle.