Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey Howlgalo kala duwan ka kala fuliyeen Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo kuwaasi oo ay ku dileen Saraakiil kala duwan oo ka tirsan Murtadiinta.
Magaalada Muqdisho waxey Ciidamada Mujaahidiinta xaafadda Ciise Cabdi ee degmada Dayniile ku dileen Sarkaal katirsan ciidamada PSta dowladda federaalka, kaas oo lagu magacaabo Ciise Kuube waxa uuna sarkaalkan ahaa mid si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan xaafaddaasi.
Isla Magaalada Muqdisho waxey Ciidamada Mujaahidiinta agagaarka isgoyska Ex-controol Afgooye ku dileen Xasan Cali kaasi oo ahaa Askari ka tirsan Maleeshiyaatka Nabad sugidda gaar ahaan qeybta Dhar cadka.
Dhanka Degmada Jowhar ee Wilaayada Shabeelada Dhexe waxey Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen gudoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga ee gobolka Shabeellaha dhexe Murtadkaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sugaal Cusmaan.
Dhanka Magaalada Kismaayo waxey Ciidamada Mujaahidiinta ku dileen dileen Murtad Lagu magacaabo Cumar Daqal oo ku magac dheeraa (Taqiyudiin) kaas oo u shaqeynayay sirdoonnada caalamiga ah islamarkaana xubin firfircoon ka ahaa wasaaradda amniga maamulka Jubbaland.
Calamada.com