Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey weerar dhabba gal ah u dhigeen Kolanyo ka tirsan Maleeshiyaatka Dowladda Federaalka kuwaasi oo ku socdaalayay agagaarka Tuulada Muuri oo hoostagta Deegaanka Numbar-50 ee Wilaayada Shabeelada Hoose.
Kamiinkan ayaa lagu dilay Labo Askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Dowladda Ridada Federaalka, Iyadoo tiro kalane lagu dhaawacay.
Dhanka kale Tiro ka tirsan Askarta Murtadiinta Farmaajo ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula beegsaday deegaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Kamiinka iyo qaraxa ayaa kusoo aadaya xilli Saacadihii lasoo dhaafay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Howlgalo ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada Muqdisho ku dileen Afar Murtad oo isugu jirta Sarkaal Labo Xiddigle ah iyo Saddex Askari oo Ashahaado la dirirka Dharcadka ah.
Calamada.com
Masha allah