Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • R/wasaaraha Itoobiya Oo Dagaal Ugu Hanjabay Dowladda Masar.
  • Allposts
  • Warar

R/wasaaraha Itoobiya Oo Dagaal Ugu Hanjabay Dowladda Masar.

October 22, 2019

Ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abey Axmed ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay dagaal uu la galo wadanka Masar, si loo difaaco buu yiri biya xireenka khilaafka dhaliyay ee An-Nahda.

Abey Axmed oo hadal ka jeedinayay fadhi ay isugu yimaadeen baarlamaanka wadanka Itoobiya ayaa si aan ka leex leexad lahayn wuxuu u sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay dagaal ka dhan ah wadanka Masar oo ay kala dhexeyso khilaafaad salka ku haya biya xireenka Itoobiyaanku ka dhisayana webiga An-niil.

Isagoo ka jawaabayay su’aallo ku aadan biya xireenka An-Nahda ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed “Itoobiya waxay sii wadi doontaa dhisida biya xireenka An-nahda, inagoo aan waxba kasoo qaadeynin caga jugleynta milliteri iyo walaaca ay muujineyso Masar” ayuu yiri Abey Axmed.

Wuxuu intaa sii raaciyay ” haddii ay dantu keento dagaal ka dhan ah Masar, oo ku aadan biya xireenka An-Nada, diyaar ayaan u nahay in malaayiin ciidamo aan ku gurno dagaalkaas” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo hadalkiisa goodiska ah sii wata, islamarkaana ay cara xoogan ka muuqaneyso ayaa intaa ku daray ineysan jirin awood dowladda Itoobiya ka hor istaagi karta sii wadista dhismaha biya xireenka An-nahda, wuxuuna sheegay in haddii Masar ay isticmaasho gantaal, ay iyaguna adeegsan doonaan Nuclear.

Mashruuca biya xireenka An-Nahda ee sanadihii lasoo dhaafay dowladda Itoobiya ka dhiseyso webiga An-Niil ayuu ku tilmaamay Abey Axmed inuu yahay mid wanaagsan, oo aan gorgortan laga geli doonin, halkiisana kasii socon doona.

Hadalkan hanjabaada ah ee uu jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa kusoo aadaya iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda uu magaalada Sootshi ee dalka Ruushka kula kulmo madaxweynaha dowladda Masar Cabdil-Fataax As-siisi.

Waxay sidoo kale hanjabaada Abey Axmed kusoo aadeysaa, iyadoo dhawaan dowladda Masar ay shaaca ka qaaday iney fashilmeen wadahadallo ay kula jireen dowladda Itoobiya oo lagu doonayay in xal looga gaaro muranka biya xireenka An-Nahda, waxaana Masar xilligaas ay Caalamka ka codsatay in lasoo faragaliyo arintan.

Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanno badan oo ka faallooda arimaha qaaradda Africa ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay ka go’antahay iney leexisato kimmiyada ugu badan ee biyaha webiga An-Niil, taas oo halis gelineysa nolosha malaayiin Masaari oo ku tiirsan webiga An-Niil.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Gaari Ciidan Oo Si Bareer Ah Dad Shacab Ah Ugu Jiiray Muqdisho.
Next: Madaafiic Lagu Garaacay Saldhiga Baar-sanguuni.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -04-01-1448-Hijri

June 18, 2026
Maamulka Deni Oo Amar Ku Bixiyay In Ciidan Aan Kiisa Ahayn Lagu Arki Karin ‘Puntland’.
  • Allposts
  • Warar

Maamulka Deni Oo Amar Ku Bixiyay In Ciidan Aan Kiisa Ahayn Lagu Arki Karin ‘Puntland’.

June 18, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -03-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -03-01-1448 Hijri.

June 18, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada