Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax culus oo lala eegtay sarkaal katirsan Xeer ilaalinta dowladda federaalka, kaas oo marayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Cabdullaahi Dheere ayaa qarax lala eegtay xilli uu saarnaa gaarigiisa, isagoo maraya degmada Xamar weyne ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Waxaa gaaray dhaawac halis ah, sida ay ku waramayaan ilo lagu kalsoonaan karo, isagoona ay ka go’day mid kamid ah labadiisa lugood.
Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa dhaawaca sarkaalkan ula cararay isbitaallada lagu daweeyo saraakiisha iyo ciidamada dowladda ee magaalada Muqdisho.
Xaaladda caafimaad ee Cabdullaahi Dheere ayaa laga deyrinayaa, waxaana la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto.