Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in goobo kala duwan oo ka tirsan dalkaasi ay ka dhaceen weeraro xoogan.
Weeraradan oo isugu jira Qaraxyo iyo dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan la beegsadeen ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Howlgalka hore oo qaraxyo ah waxey ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan la beegsadeen kolanyo ka tirsan Saliibiyiinta Mareykanka oo ku socdaalayay duleedka Magaalada Qunduuz oo ah xarunta Wilaayada Quduuz ee Waqooyga dalkaasi.
Qaraxyadan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku gubeen Labo gaari oo ah noocyada Gaashaaman, Waxeyna ku dileen Labo askari oo ah Saliibiyiinta Mareykanka.
Howlgalka xiga oo ah dagaal toos ah waxey ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ku qaadeen ciidamo isugu jirta Mareykanka iyo kuwa Ridada Kaabul kuwaasi oo doonayay iney dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degmada Zarmat oo ka tirsan Wilaayada Baktiya ee dhacda Konfur Bair dalka Afghanistan.
Weerarkan waxey sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ku dileen Labo askari American ah, Waxaa gabi ahaan fashilmay qorshihii ay doonayeen Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Ridada Kaabul.
Weeraradan lagu dilay Afarta askari ee American-ka ah ayaa kusoo aadaya xilli Maalmo ka hor weerar ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay ka fuliyeen Waqooyga dalkaasi ay ku dileen Sarkaal American ah iyagoona dhaawacay hal askari oo isla Mareykanka ah, Waxeyna Weeraradaan muujinayaan dhiig baxa xoogan ee ku socda Saliibiyiinta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan.
Calamada.com