Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Saraakiisha Midowga Africa Iyo Reer Galbeedka Oo Walaac Ka Muujiyay Qaraxyada Ay Fuliyaan Shabaabul Mujaahidiin.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Saraakiisha Midowga Africa Iyo Reer Galbeedka Oo Walaac Ka Muujiyay Qaraxyada Ay Fuliyaan Shabaabul Mujaahidiin.

April 19, 2018

Shirkan oo laba maalmood oo xiriir ah ka socday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee Kuffaarta Afrikaanta ku leeyihiin gudaha Soomaaliya , kana qeybgaleen xubno kala duwan oo matalayey gaalada caalamka ayaa diiradda lagu saarayey sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa qaraxyada miinooyinka ee mujaahidiintu la beegsadaan ciidamada Kuffaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka Murtadiinta.

Shirkan oo ahaa mid lixdii biloodba mar isugu yimaadaan Kuffaarta Afrikaanta iyo Saraakiisha reergalbeedka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiray in qaraxyada miinooyinku yihiin halista ugu badan ee ay maanta wajahayaan ciidamada saliibiyiinta ee duullaanka ku jooga wadanka iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah.

Francisco Madeira oo ah wakiilka midowga gaalada Africa ee Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qaraxyada iyo amni xumada ka jirta wadanka ay sabab u tahay xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta wadanka sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana loo baahan yahay in marka hore la hagaajiyo siyaasadda kooxda ridada si looga bad-baado qaraxyada iyo weerarada mujaahidiinta.

(habka ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo qaraxyada miinooyinka waa inaan saxnaa siyaasadaheena. Hadeysan siyaasadu hagaagsaneyn, wax faa’ida ah soo kordhin meyso tiknoolajiyada aan heysano oo waxaa laga yaabaa in aysan guuleysan. Si siyaasadda loo saxana waxaa loo baahan yahay in qof waliba uu qaato kaalintiisa. Dagaalkan aan ku jirno wuxuu ku guuleysan karaa kaliya haddii mid waliba oo ka mid ah military-gu, Police-ka, maamulada iyo dowladuba qaataan kaalintooda).

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku cataabay in aysan AMISOM heysan taageerada shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ay lagama maarnaan tahay in la soo jiito dadka si ay u soo gudbiyaan macluumaadka ku soo saabsan goobaha ay ku duugan yihiin qaraxyada iyaga lala beegsanayo.

[ Waxaan dooneynaa in dadka oo dhan ay soo buuxiyaan safkeena, wadiiqadaas oo lagu daray tiknoolajiyada aan heysano iyo dadaalada aan bixineyno waxay noo suuragelin doontaan inaa helno ilo dheeraad ah oo noo sheegaya in qof uu qarax ku aasay goob agagaarkeena ah.]

Richard Maundrell, oo ah Abaanduulaha Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay shirkaas ayaa isna ku baaqay in isku xir iyo wadashaqeyn hufan uu dhexmarto maamulada iyo hay’adaha amniga ee murtadiinta si looga hortago weerarada qaraxyada ee kaga imaanaya Mujaahidiinta.

[Si loogu guuleysto arinta, xog wadaagga iyo isku xirnaanta dhinacyadan iyo ururadan waxay noqon doontaa mid aad muhiim u ah, halka sidoo kale ay muhiim tahay in la diyaariyo awoodda, lagana takhaluso waxyaabaha qarxa, habka kaliya ee uu ku guuleysan karo dagaalka ka dhan ah miinooyinka waa in la sameeyo howlgalo dhab ah oo ka dhan ah nidaamka miinooyinka. Arintan waxay diiradda saareysaa dadka  soo abaabula qaraxyada miinoyinka]

Shirkan mudada labada maalin ah ka socday Xerada Xalane waxaa barbar socday siminaar qaatay muddo laba maalin ah oo ay bixinayaan Saraakiil cadaan ah oo ka tirsan dowladda Ingiriiska iyo hay’adda miina-baarista u qaabilsan QM ee Mine Action, Waxaana ugu dambeyntii laga soo saaray arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in olole nadaafeed oo ballaaran laga sameeyo dhulka ku dhirirsan wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, in la sii dardar geliyo adeegsiga jawaasiista ka howlgala wadooyinka waaweyn ee ay sahaydu marto,in dhinacyada ka qeybgalay shirkan ay yeeshaan wada shaqeyn dhow iyo kulamo todobaadle ah.

Francisco Madeira, wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya, mar uu ka hadlayey gabagabada shirkan ayuu gaalada caalamka ugu baaqay in ay sii wadaan taageerada tababar iyo midka tiknoolajiyadeed ee ay siinayaan ciidankooda si looga guuleysto weerarada qaraxyada ee Mujaahidiinta, wadooyinkuna u noqdaan kuwa lagu mari karo si nabadgalyo ah.

[waxaan u baahanahay in balanqaayadan iyo garab istaaggan uu sii socdo ilaa aan ka awoodeyno inaan dhahno Muqdisho waa mid dhab ahaantii nabad ah oo la isku haleyn karo, iyo inta wadooyinka waaweyn ee isku xira Muqdisho iyo Baladweyne, Muqdisho iyo Beydhabo, Muqdisho iyo Baraawe, Dhoobley iyo Afmadoow, iyo Kismaayo iyo buundada Kamsuuma ay dhamaantood ka noqonayaan kuwa la mari karo oo xur ah, kana badqaba qaraxyada].

Shirkan wuxuu ahaa kii afaraad ee kulamo xiriir ah oo lixdii biloodba ay mar yeeshaan Kuffaarta Afrikaanta iyo mudanayaashooda saliibiyiinta ah kuwaas oo looga hadlo halista qaraxyada miinooyinku ku hayaan ciidamada saliibiyiinta iyo kuwa murtadiinta ee ku duullaanka ku jooga wadanka, Wuxuuna ku soo aaday iyadoo mujaahidiintu ay sare u qaadeen weerarada qaraxyada ee lagu beegsanayo  gaadiidka saliibiyiinta iyo murtadiinta taas oo khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeedba u geystay ciidamada kuffaarta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta, islamarkaana caqabad weyn ku noqotay isu socodka xarumaha kala duwan ee Soomaaliya.

Horaantii todobaadkan qarax aad u xoogan ayaa degmada Afgooye lagula eegtay Kolonyo ciidamo saliibiyiin ah oo isugu jiray Cadaan iyo Afrikaan xilli ay ka soo ambabaxeen saldhigga ciidamada kuffaarta Uganda ee degmada Buula-Mareer.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Saraakiil Lagu Dilay Duleedka Degmada Afgooye+Magacyo.
Next: Boqorka Aala-Sucuud Oo Dhulka Xarameynka Ku Soo Dhaweeyey Baadari Ka Tirsan Kaniisadda Nasaarada.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada