Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al Shabaab oo war kasoo saaray weeraro ka dhacay degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi [Bayaan].
  • Allposts
  • Warar

Al Shabaab oo war kasoo saaray weeraro ka dhacay degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi [Bayaan].

October 19, 2022

Dhaq dhaqaaqa jihaadiga ah ee Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraro is xigxigay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka hore ee ka dhacay Buula Burte lagu beegsaday isku imaatin ay maleeshiyaadka Macaawisleyda iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Buundada degmada.

“Ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan waxay hawgallo milatari ka fuliyeen Magaalooyinka cadawgu haysto ee Buulaburte iyo Jalalaqsi. Hawlgalka koowaad waxay Mujaahidiintu la beegsadeen saldhiga ciidamada ridada ah ee Jabuuti iyo xarunta maamulka ridada ah ee magaalada Jalalaqsi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sawirro lagasoo qaaday goobta uu qaraxa Buula Burte ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray Buundada degmada oo ah halkii ay isku imaatinka ku lahaayeen maleeshiyaadka labeegsaday.

Sidoo kale culus ayaa daqiiqado kadib beegsaday saldhig kuyaal degmada Jalalaqsi halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle.

“Hawlgalka labaad waxay sidoo kale Mujaahidiintu la beegsadeen saldhigyada ciidamada ridada ah iyo maleeshiyada macawiislayda loo yaqaano ee ku yalla buundada magaalada Buulaburte.

Khasaare iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa cadawga kasoo gaaray hawgallada ay Mujaahidiintu ka fuliyeen magaalooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi. Dhimashada iyo dhaawaca cadawga waxaa kamid ah masuuliyiin, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan cadawga oo ku halaagsamay hawlgallada.
Faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha’Allaah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ah ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah. Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah” ayaa markale lagu yiri bayaanka Xarakada.

Weeraradan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Hiiraan ay bilihii lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo culus oo udhaxeeyay ciidamo huwan jinsiyado kala duwan oo isku dhinac ah iyo xoogaga Al Shabaab.

“Ugu dambeyn jihaadiyiinta ayaa ku goodiyay in ay sii wadayaan beegsiga ay ku hayaan shisheeyaha iyo maleeshiyaadka dowladda ee duullaanka ku qaaday wilaayaatka islaamiga ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso. Allaah, subxaanahu watacaalaa, wuxuu yiri:
وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّى لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ لِلَّهِ فَإِنِ انْتَهَوْا فَلَا عُدْوَانَ إِلَّا عَلَى الظَّالِمِينَ”  ayaa lagusoo gaba gabeeyay bayaanka Al Shabaab.

Halkan ka akhriso bayaanka oo PDF ah

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Caalamulyowm 23-3-1444 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Barnaamijka Faafreebka Wararka 24-3-1444-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-Shawaal-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -28-Shawaal-1447-Hijri

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Dhagayso Andalus Podcast: Ahmiyadda Cilmiga Xadiith-ka Iyo Sheekh Firin.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Ahmiyadda Cilmiga Xadiith-ka Iyo Sheekh Firin.

April 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada