Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Amnesty International “Dadka La Dilay Ma Aheyn Argagaxiso Ee Waxay Ahaayeen Shacab.
  • Allposts
  • Warar

Amnesty International “Dadka La Dilay Ma Aheyn Argagaxiso Ee Waxay Ahaayeen Shacab.

October 2, 2019

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda sheegata iney u dooda Xuquuqda Insaanka ee Amnesty International  ayaa lagu sheegay in howlgallada ciidamada Maraykanka ay ka wadaan Soomaaliya ay waxyeello kasoo gaarto dad shacab ah.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “ Ciidanka Maraykanka wuxuu si argagax leh u fududeysanayaa dadka Shacabka ah ee ku dhimanaya duqeymaha xaga  cika ah ah ee ka dhacaya Soomaaliya” ayaa lagu sheegay in hay’addu ay diiwaan gelisay duqeymo dhowr ah oo ay ku dhinteen dad shacab ah.

Dhacdada ugu horeysa ee duqeynta ah, kuna dhinteen dad shacab ah, balse Maraykanku ku faanay inuu ku dilay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Human Rights watch-na ay warbixinteeda kusoo gudbisay waxay dhacday 18-kii Marso ee sanadkan 2019-ka.

Waxay ahayd duqeyn xoogan oo lagu dhuftay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen ganacsato Soomaaliyeed, xilli ay marayeen deegaanka Cadow Dibille oo qiyaastii 5 km ka fog degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Hay’adda ayaa sheegeysa in saddexda nin ee saarnaa gaarigaas ay ahaayeen dad shacab ah, oo xilligaas ka yimid beero ay ku leeyihiin gobolka, kuna sii jeedaan xaafadahooda oo ku kala yaalay Muqdisho, Leego iyo Yaaqbariweyne.

“Duqeyntu waxay burburisay gaariga, waxaa durba ku geeriyooday darawalka oo lagu magacaabo Cabdi-Qaadir Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, iyo Ibraahim Maxamed  Xiiray  oo 30 jir ahaa, kana mid ahaa rakakba gaariga” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saaray haya’dda u dooda Xuquuqda Insaanka ee Humaan Rights watch.

Nin ay saaxiibo ahaayeen Cabdi-Qaadir oo booqday goobta ay duqeynta ka dhacday aroornimadii hore, ayay soo xiganeysaa Hay’adda, kaas oo yiri sidatan “ Cabdil-Qaadir jirkiisa si xun ayuu u burbray, balse waan aqoonsaday, wejiga ayuu si daran uga gubtay”.

Qofka sadexaad ee la socday gaarigan duqeynta ay ku dhacday ayaa lagu magacaabaa Mahad Nuur Ibraahim oo 46 jir ah, waxaana soo gaaray dhaawac daran, isagoo jirka oo idil ka gubtay, markii dambena waxaa la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku geeriyooday 3 todobaad kadib, sida lagu sheegay warbixinta.

Taliska ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa, magaciisana loo soo gaabiyo Africom ayaa war uu xilligas soo saaray wuxuu ku sheegtay in saddexda ruux ee ay duqeynta la beegsadeen ay ahaayeen xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Amnesty International ayaa sheegeysa in bishii Augosto ay Africom la wadaageen xogo ku aadan in saddexda ruux ay ahaayeen dad shacab ah, oo aaney xiriir la lahayn Al-Shabaab, balse Africom ayaa diiday iney ka laaabato sheegashadeeda ahayd in ragaasi ay ahaayeen dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab.

Hay’addu waxay wareysatay ugu yaraan 11 ruux oo isuga jira qaraabada ragga duqeynta lagu dilay, dad ay saaxiibo dhow ahaayeen, iyo xitaa shirkada isgaarsiinta Hormuud oo mid kamid ah saddexa ruux uu kamid ahaa shaqaalaheeda.

Dhamaan dadkaas waxay sheegeen in saddexda qof ee duqeynta Maraykanka lagu dilay bishii Marso 2019-ka ay ahaayeen shacab aan waxba galabsan, kana tirsaneyn Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“Sheegashada Africom, iyo xogaha ay heyso Amnesty International, waxay sare u qaadeysaa su’aalaha la iska weydiinaayo xogaha sirdoon ee Maraykanku u adeegsanayo duqeymaha uu ku beegsanayo dadka uu ku sheegayo iney katirsan yihiin Al-Shabaab, taas oo ka hor imaan karta xeerarka  caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha” ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay hay’adda u dooda Xuquuqda Insaanka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in hay’adda Amneysty ay diiwaan gelisay in inkabadan 20 ruux oo shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha uu Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya, kuwaas oo kala ah dhimashada 17 ruux, iyo dhaawaca 8 kale.

“Tan iyo horaantii sanadkii 2017-ka, wixii ka dambeeyay markii uu Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka koonfurta Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal, waxaa si xowli ah u kordhey duqeymaha ay Africom ay u adeegsanayaan diyaaradaha, kuwaas oo gaaray ugu yaraan 131 duqeyn” ayaa lagu yiri warbixinta ay sooo saartay Amnesty International.

Hay’addu waxay Africom ku eedeysay inaaney marnaba ka garaabin dadka shacabka ah ee aku dhimanaya duqeymaha diyaaradeed, islamarkaana aaney jirin wax xiriir ah oo ay la sameyneyso ehellada ay dadkooda duqeymaha Maraykanka ku dhinteen.

“Ehellada dadkooda ay dhinteen waxay is weydiinayaan su’aal ah, muxuu Maraykanka u beegsanayaa dadkooda, waxaa sidoo kale duqeymahan la iska weydiinayaa su’aallo ah sida Africom ay u ilaalin karto xeeararka caalamiga ah” waxaa sidaas yiri Brian Castner oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda Amnesty International oo sheegata iney u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Warbixintan tii ka horeysay, oo ay Amnesty soo saarto bishii Marso ee sanadkan 2019-ka, waxay ku sheegtay in shan duqeyn oo loo adeegsadya diyaarado drone ah, kana dhacay gobolka Shabeellaha hoose ay ku dhinteen ugu yaraan 14 ruux, kuna dhaawacmeen 8 kale.

Inkastoo khasaaraha Shacabka soomaaliyeed kasoo gaaraya duqeymaha aan loo meel dayin ee Maraykanku ka geysanayo Soomaaliya  ay ka badanyihiin inta ay sheegeyso hay’adda Amneysty International, hadana waxay ka dhigantahay qeyb yar oo kamid ah dhibaatooyinkaas oo ay qirayaan hay’adaha hoostaga dowladaha reer galbeedka.

Dhawaan, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar aad u abaabulan oo guuleystay waxay ku qaaday garoonka Ballidoogle, halkaas oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanka ku leeyihiin Soomaaliya, ahna halka laga hago duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dronesta.

Waxaa weerarkaas lagu dilay 121 askari oo Maraykan ah, 12 askari oo Yahuud ah iyo 40 ruux oo qandaraasyaal ah, kuwaas oo qaabilsanaa dhismaha iyo dayactirka saldhiga garoonka Ballidoogle.

Bayaan kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku sheegtay in weerarkaas uu jawaab u yahay weerarada duqeymaha ee ay Maraykanku la beegsanayo shacabka aan waxba galabsan ee ku nool wilaayaadka islaamiga.

“ weerarkan wuxuu jawaab u yahay duqeymaha xaga cika ah ee aan loo meel dayin, ee ay ciidamada Maraykanku ku beegsanayaan muslimiinta aan waxba galabsan ee kunool Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale farriin u dirayaa maamulka qar iska xoornimada badan ee uu hogaamiyo Trump, iyo shacabka Maraykanka, taas oo ah in siyaasadda arimaha dibadda ee ku dhinsa colaada ka dhanka ah muslimiinta Soomaaliya ay cawaaqib xumo kula soo laaban doonto Maraykanka iyo shacabkiisa, ayna guran doonaan wixii ay beertaan”. Ayaa lagu yiri bayaankan oo uu ku saxiixnaa maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: AFRICOM Oo Riwaayado Is Burinaya Kasoo Saartay Weerarkii Ballidoogle.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qaraxyo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho.

Related Stories

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.
  • Allposts
  • Warar

IIraan Oo Sheegtay Inaysan Suuragal Ahayn In Dib Loo Furo Marin_biyoodka Hurmuz.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 06-11-1447-Hijri.

April 23, 2026
Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Shariif Sheekh Axmed Oo Si Adag U Diiday Doorasho Hal Dhinac Ah Oo Uu Qabsado Gurguurte.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada