Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Ciidanka Laftagareen Oo Si Buuxda Ula Wareegay Degmada Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Laftagareen Oo Si Buuxda Ula Wareegay Degmada Buurhakaba.

October 15, 2026

Ciidanka daacadda u ah C/Casiis Laftagareen ayaa saaka dagaal culus kula jarmaaday maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ee ku sugnaa degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaal culus kadib, ciidamada Laftagareen ayaa la xaqiijiyey in ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-heynta degmada Buurhakaba, iyadoo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada lagu arkayay iyagoo ku dhex roondaynaya gudaha magaalada.

Wasiirrada Warfaafinta iyo Amniga ee maamulka CabdiCasiis Laftagareen oo muuqaal isaga soo duubay gudaha magaalada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay la wareegeen magaalada, iyagoo maleeshiyaadka Guguurte ee duurka u firxaday-na ugu baaqay inay isa soo dhiibaan.

Sidoo kale muuqaallada ayaa laga dheehan karaa shacabka deggaanka oo si weyn u soo dhawaynaya ciidanka la wareegay magaalada, iyadoo la arkayo qaar ka mida tiknikada Laftagareen ee hubka culus saaran yahay oo dhex socota degmada.

Ugaas Xasan, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ee garwadeenka uu ka yahay CabdiCasiis Laftagareen, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay waaberigii saaka abbaaro ku dhawaad salaaddii subax hawlgal ka bilaabeen magaalada Buurhakaba.

Muuqaallo kale oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya maleeshiyaad fara badan oo safaf dhaadheer ku jira oo la sheegay in ay yihiin maxaabiis laga qabtay maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugnaa Buurhakaba, iyadoo dhanka kale weli aanaan helin tirada dhimasho ama dhaawac ee ka dhashay dagaalkan saaka.

Buurhakaba waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku teedsan waddada weyn ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, waxaanay gacan-ku-haynteedu ay saameyn weyn ku leedahay dhaq-dhaqaaqa ciidamada, gaadiidka ganacsiga iyo marin-u-helidda magaalada Baydhabo.

Goobta ay magaaladu ku taallo waxay ka dhigan tahay in isbeddel kasta oo ku yimaada cidda maamusha uu saameyn ku yeelan karo dhaq-dhaqaaqa ciidamada, sahayda iyo isu-socodka dadka rayidka ah ee waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Tallaabadan ayaa ah isbeddel weyn oo ku yimid loollankii ka jiray Koonfur Galbeed, waxaanay qabashada Buurhakaba daba socota kadib markii ciidamada daacadda u ah Laftagareen ay dhowr cisho ka hor la wareegeen degmada Qansaxdheere.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Andalus Podcast: Waa Maxay Arkaanta Iyo Usuusha Ay Ku Taagan Tahay Faafinta Dacwada Islaamiga Ah?.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Jumaadal-awal-1448-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-Jumaadal-aakhir-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -07-Jumaadal-aakhir-1448-Hijri.

November 17, 2026
Cali Balcad Oo Diidday Inuu Ka Jawaabo Aflagaadada Trump Ee Ka Dhanka Ah Soomaalida.
  • Allposts
  • Warar

Cali Balcad Oo Diidday Inuu Ka Jawaabo Aflagaadada Trump Ee Ka Dhanka Ah Soomaalida.

November 17, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-06-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 07-06-1448-Hijri.

November 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada La Wareegitaanka Mujaahidiinta Ee Deegaanka Coomaad.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada La Wareegitaanka Mujaahidiinta Ee Deegaanka Coomaad.

November 15, 2026
Daawo Sawirrada Kamiinkii Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Kamiinkii Lagu Laayay Maleeshiyada Danab Ee Sh/hoose.

November 12, 2026
Kamiin Gaadiid Ciidan Lagu Qabsaday Oo Ka Dhacay Dueeldka Balidoogle (Bayaan+Sawir_sarkaal).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Kamiin Gaadiid Ciidan Lagu Qabsaday Oo Ka Dhacay Dueeldka Balidoogle (Bayaan+Sawir_sarkaal).

November 12, 2026
DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada