Andalus Podcast, waa barnaamij toddobaadle ah oo ka baxa idaacadda islaamiga Al-andalus maalinkasta oo khamiis ah, waxaa marti ku ah shakhsiyad waayo joog ah oo umadda Soomaaliyeed u faa’iideyn kara tagtadii soo martay iyo waxyaabihii laga dhaxlay.
Dhanka kale barnaamijka waa mid aqon kororsi ah, waxaana lagu gorfeeyaa mawaadiic mugleh oo wax tar uleh umadda Soomaaliyeed.
Toddobaadkaan waxaa barnaamijka marti ku ah Sheekh Cabdil-Ilaah oo ka mid ah culimada Soomaliyeed ee wilaayaadka islaaamig ah, wuxuuna barnaamijka ka jawaabayaa su’aalo ay ka mid ah yihiin Rubuc-qarni kadib weeraradii 11-kii September waa sidee siraaca u dhexeeya Mareykanka iyo Muslimiinta? maxaase laga bartay weeraradaasi?.
Halkan ka dhagayso xalqada maanta ama hoos ka dhagayso dhammaan xalaqaadka kale.