War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka IGAD ee ay ku midaysanyihiin qaar kamid ah dalalka bariga Afrika ayaa lagu sheegay in xaaladda kalaguurka dhanka amniga ah ee ka jirta Soomaaliya ay walaac ku hayso wax uu ugu yeeray dalalka dariska ah oo uu ula jeedo soo duulayaasha.
IGAD ayaa ka codsaday waxa loogu yeero golaha ammaanka Q.Midoobay in uu dib u eegis ku sameeyo qaraaraadkiisa ku aaddan maalgelinta ciidamada kufaarta Afrikaanta.
Urur gaaleedkan ayaa soo jeediyay in xafiiska taageerada kufaarta afrikaanta ee UNSOS lagu daro muddo muddo sanad ah, wuxuu carabaabay in haddii aan sidaas layeelin ay khasaaro noqon doonaan dhammaan dadaalladii shareeca ladirirka ahaa ee gaaladu ka wadeen Soomaaliya tan iyo sanaddii 2007-dii.
ilo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa tibaaxaya in ururo afrikaan ah ay isbuucan warqad furan udireen Mareykanka ayna ka codsadeen in uusan is hortaagin qorshaha muddo kordhinta loogu sameynayo xafiiska taageerada Q.Midoobe ee Soomaaliya kaasi oo mas’uul ka ah sahay siinta ciidamada kufaarta midowga Afrika.
Bishii Luuliyo ee lasoo dhaafay ayuu Mareykanka iclaamiyay in uu joojinayo dhammaan qarashaadkii uu siin jiray ciidamada Kufaarta afrikaanta ah wuxuuna ku goodiyay in uu awoodda diidmada qayaxan u isticmaali doono haddii Golaha ammaanka la horgeeyo qaraar dib loogu cusboonaysiinayo UNSOS.