Maxkamadda ku dhaqanka shareecada islaamka ee wilaayada Jubbada dhexe, waxay xukun xaddu Riddo dil ah ku fulisay shan jawaasiis ah oo u shaqeynayay sirdoonnada saliibiyiinta Maraykanka, kan Itoobiya iyo midka murtadiinta.
Sidoo kale waxaa fagaaraha Macalim Aadan Xaashi Ceyrow ee uu xadka ka dhacayay laga akhriyay xukunka jaasuus mujaahidiintu horay u dileen oo basaas u ahaa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, waxaa sidoo kale fagaaraha oo ay goob joog ahaayeen kumannaan muslimiin ah lagu dilay shanta jawaasiista ah ee u shaqeynayay sirdoonnada saliibiyiinta iyo kuwa murtadiinta.
Halkan Ka Dhagayso Xukunka Jawaasiista La Dilay.