Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dhageyso: Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo War Kasoo saaray Afartii Dekadood ee Farmaajo dowladda Itoobiya ku wareejiyay
  • Allposts
  • Warar

Dhageyso: Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo War Kasoo saaray Afartii Dekadood ee Farmaajo dowladda Itoobiya ku wareejiyay

July 10, 2018

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war rasmi ah kasoo saartay heshiiskii dhawaan  dhexmaray Maamulka Farmaajo iyo Dowladda Itoobiya kaas oo Afar kamid ah dekedaha Soomaaliya loogu saxiixay in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya.

Sheekh Mahad Warsamae “ Abu Cabdi Raxmaan” oo kamid ah mas’uuliyiinta sar sare ee Al-Shabaab ayaa hadal uu maanta oo Talaada ah siiyay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus wuxuu ku sheegay in qorshaha Itoobiya loogu gacan gelinayo dekedaha Soomaaliyeed uu yahay qayb kamid ah damacii Itoobiya ee ahaa in ay Soomaaliya oo dhan qabsato.

Sheekh Mahad Warsame ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay qarniyo dhaadheer oo lasoo dhaafay ay Itoobiya dagaallo lagu hoobtay kula jireen si ay iskaga caabiyaan damaceeda gurracan ee ah in ay dhulka Soomaaliyeed wada qabsato.

“Jihaadka dadkii naga horreeyay ay la galeen Xabashida Itoobiya, ee khalqiga aan yarayn ee Muslimiin ah ay ku shahiideen oo uu ku jiro Hogaamiyihii Muslimiinta Axmad Gureey, Malaayiin gaalo ahna lagu laayay, waxaas oo halgan ah waxa loosoo galay waxay aheyd in Diinta Islaamka iyo Dadka Muslimiinta ah lagu difaaco, Damaca gurracan ee Gaaladaas xabashidana la iskaga caabiyo” ayuu yiri Sheekh Mahad.

Mar uu soo hadal qaaday damaca fog ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qabsato dhulka Soomaaliya ayuu sheegay in waxa socda ay yihiin xaqiijinta hadaf fog oo ay ka laheyd dalka.

“Xabashidu marnaba maankeeda kama boxo in ay inta ka dhiman dhulalkii Muslimiinta gacanta ku dhigto, xoog ama xeelad middii ay doonto haku qabsato, Imaaradii ugu dambeysey ee Muqdisho ku taallay waa tii qabsatay dabayaaqadii 2006  iyadoo ay horboodayaan canaasiir Murtadiin ah oo dadkoodii iyo dalkiiba gatay, berigaas xabashidu waa lawada xusuustaa, iyagoo lugaynaya ayay badda Xeebta Muqdisho istaageen, qoryihii ayay foodda biyaha badda u geliyeen, iyagoo aaminay in ay wax Soomaali la yiraahdo u dhammaatay mar haddii ay Muqdisho muruq ku qabsadeen bale Laba sano oo Jihaad aanan waxba la iskula harin, Rag badan oo Mujaahidiin ahna ay naftoodii u hureen, Jihaadkaas kadib Ilaahay wuxuu qadaray in Itoobiya in ay Soomaaliya oo dhan lug uga baxdo, damaceedii guracnaana uu beenoobay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay sheekh Mahad.

Sheekha ayaa hadalkiisasii raaciyay in heshiiska dekedaha lagu siiyay Itoobiya iyo hadalkii Abiy Axmad ee ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya la mideyn doono uu yahay qorshe deggan oo ay qasab tahay in hogaamiyeyaasha Itoobiya ay hirgeliyaan, xoog ama xeelad mideey doonaan haku keenaane.

Sheekh Mahad ayaa sheegay in Itoobiya ay in muddo ah si hoose ugu hawlaneed qorshaha la wareegitaanka dekedaha, isla markaana ay jirto waddo lagasoo bixiyay gudaha Itoobiya lana doonayay in lasoo geliyo dekeda Hobyo oo kamid ah dekedaha Xabashida lagu wareejiyay, balse ay Mujaahidiintu ka hortageen oo lagu joojiyay nawaaxiga Magaalada Caabud Waaq ee Wilaayada Galguduud, taas oo keentay in Itoobiyaanku ay maleeshiyaat ku aruuriyaan Dhuusamareeb si ay wadadaas xoog ugu furan.

Masuulkan ka tirsan hoggaanka sare ee Xarakada  Al-Shabaab ayaa ka digay halista ay leeyihiin madaxda Soomaalida ah ee baasaboorada shisheeyaha wata, una soo shaqa tegay sidii ay dhulka iyo badda Soomaaliyeed Itoobiya oo Kenyaatiga uga iibsan lahaayeen.

“Farmaajo,oo ah nin Maraykan ah, kana tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga la yiraahdo, wuxuu dadka Soomaaliyeed ku beer-laxawsaday inuu yahay wadani Soomaali ah, balse markii uu kursiga ku fariistay wixii ugu horeeyay ee uu qabtay waxay ahayd inuu xabashida u gacangeliyo qof walba oo Soomaali ah oo ay ka dalbadaan, Maantana wuxuu saxiixay in dekedaha dalka ay Xabashidu la wareegto. Dhulka, cirka iyo badda Soomaaliyeed Murtadiintu waa iibsanayaan, markii xilligoodu dhammaadana wadamadii ay kayimaadeen ee ay baasabooradooda haysteen ayay dib ugu laabanayaan, waxa mustaqbalkooda lagu ciyaarayo waa ubadaka Muslimka ah ee Soomaaliya ku nool, dadkana waxaa la gudboon intay goori goor tahay in la baraarugo, oo dhulka inta xorta ahna aan ku mitidno, inta cadawgu naga haystana aan sidii loosoo ceshan lahaa falankeeda galno”.

Sheekh Mahad ayaa sheegay in haddii aysan dadka Soomaaliyeed baraarugin Caasimada Itoobiya laga dhigi doono Muqdisho sida Caasimada Yuhuuda looga dhigay Magaalada xoogga lagu haysto ee Al-Qudus.

Ugu dambayntii, Sheekh Mahad Warsame ayaa sheegay in Mujaahidiinta Al-Shabaab aysan marnaba aqbali doonin in taako kamid ah dhulka Soomaaliya lagu wareejiyo Itoobiya, ayna difaaci doonaan Diinta, Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Halkan ka degso Kalimadda oo MP3 ah ama Hoos ka dhageyso

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Video: Shariif Xasan Oo Ciidamada Itoobiya iyo AMISOM Ku Eedeeyay In Ay Maamulkiisa Ufuri Waayeen Waddooyinka.
Next: Askarta Maamulka Hirshabeelle Oo Dilal Iyo Dhaawacyo U Geystay Dad Shacab Ah.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026
Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.
  • Allposts
  • Warar

Ganacsato Sheegay In Suuqyada Xoolaha Muqdisho Qarka U Saaranyihiin Inay Xirmaan.

June 17, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-01-1448 Hijri.

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada