Banaanbaxyo looga soo hor-joodo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland ayaa gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay ka socday bartamaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Soomaaliya.
Dhalinyaro isugu soo baxday faras-magaalaha ayaa muujiyey dareenkooda iyo sida ay uga soo hor-jeedaan gooni-goosadka uu ku dhawaaqay maamulka Hargeysa, waxaanay sheegeen in marnaba aanay aqbali doonin kala qoqobka ummadda Soomaaliyeed.
Saacadihii lasoo dhaafay, muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa laga dheehan karaa kacdoonka xooggan ee dhalinyarada, kuwaas oo calanka maamulka gaallo-raaca Somaliland dab ku qabadsiiyey bartamaha magaalada Boorama.
Sidoo kale waxay taayirro ku gubeen jidadka waaweyn ee gudaha magaalada, iyadoo wararku ay tibaaxayaan in goor dambe maleeshiyaadka booliska riddada ee nidaamka Cirro ay rasaas ku fureen dhalinyaradaasi mudaharaadaysay.
Kacdoonka dhalinyarada Boorama ayaa kusoo aaday xilli maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland u dabbaal-degayay 35-guurada kasoo wareegtay maalintii ay ku dhawaaqeen gooni-goosadka, iyadoo munaasibaddan ay kasoo qayb-galeen wufuud u badan Yahuud iyo Kiristan ka kala yimid daafaha dunida.