Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Eritrea Oo U Yeertay Ciidamadeeda Kaydka Iyo Saraakiisha Howlgabka Noqday.
  • Allposts
  • Warar

Eritrea Oo U Yeertay Ciidamadeeda Kaydka Iyo Saraakiisha Howlgabka Noqday.

February 23, 2025

Dowladda Eritrea ee uu hoggaamiyo Isaias Afwerki, ayaa muwaadiniinteeda ku amartay inay diyaar garoobaan, waxaana dadka ammarkaasi la siiyay ka mid ah ciidamada kaydka, saraakiisha iyo askarta howlgabka ah, sidoo kale waxaa amaro la dul-dhigay ragga iyo haweenka dalkaasi u dhashay.

Warbaahinta Ingiriiska laanteeda Eritrea ayaa waraysi ay la yeelatay dadka u dhashay waddankaasi waxay u sheegeen in amarka uu si rasmi ah u bixiyay maamulka dowladda, waxaana amarkaasi la marsiiyay dowladaha hoose, kuwaas oo dadka fariinta ku socoto awaamiir dul-dhigay.

Ciidamada Kaydka ah ayaa lagu amray inay taliska ciidanka iska xaadiriyaan, sidoo kale saraakiisha iyo askarta howlgabka noqday ayaa iyagana amar lagu siiyay inay kusoo laabtaan xeryaha ciidanka, si tabobar loo siiyo oo ay diyaar garow dagaal u galaan.

Amarka kasoo baxay xukuumadda uu fadhigeedu yahay Asmara ayaa dadka da’doodu ka yar tahay 60 sano ee ka tirsanaa ciidamada faray inay tabobaro qaataan, halka dadka da’doodu ka yar tahay 50 sanona lagu amray inaysan dalkaasi ka bixi karin oggolaansho la’aan.

Dadka ku dhaqan magaalada Asmara ayaa warbaahinta u sheegay in amarka kasoo baxay dowladda uu hogaamiyo kaligii taliye Isaias Afwerki aan si rasmi loo shaacin, balse ay ku baraarugeen markii ay tageen deegaannadii ay dalka uga bixi lahaayeen sidoo kalena tageen goobaha laga heli jiray adeegyada dowladda.

Haweeney Eritrean ah oo ku dhaqan qaaradda Yurub oo magaceeda u qarisay sababo ammaan, ayaa warbaahinta Ingiriiska u sheegtay in waalidiinteeda ay ka codsadeen fiisaha bixitaanka si ay ugu safraan wadanka ay ku nooshahay, waxayse sheegtay in aabbaheed oo hore uga tirsanaa ciidamada Eritrea loo diiday fiisaha haseyeeshee hooyadeed ogolanshiyo la siiyay.

Amarka ayaanan ku ekayn ragga oo kaliya, balse haweenka ayaa lagu amray inay ciidamada ku biiraan, tabobaro ciidanna qaataan, arrintaasi ayay dadku sheegayaan inay cabsi ku beertay haweenka, ciidanka kaydka ee ragga iyo dumarka ee dalka ka baxsaday ayay sidoo kale dowladdaasi ku amray inay dib usoo laabtaan.

Sidoo kale ilo wareedyo ayaa sheegay in dowladda Eritrea ay xabsiyada ka sii deysay ciidamo u xirnaa dambiyo kala duwan, kuwaas oo dib loogu celinayo talisyadooda oo looga yeeray, waxaana kuwa xabsiyada laga sii daayay aan ku jirin ciidanka dambiyada culus u xiran sida lasoo warinayo.

Amarkan u muuqda diyaar garowga dagaal ee looga dhawaaqay Eritrea, ayaa kusoo beegmaya xilli maqaal uu qoray madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya uu Asmara ugu eedeeyay inay colaad ka hurinayso waqooyiga Itoobiya, wasiirka warfaafinta Eritrea oo hadlay ayaa beeniyay eeddaasi , Addis-ababana ku eedeeyay hurin colaad.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -24-08-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-08-1446-Hijri.

Related Stories

Ciidamada Itoobiya Oo Lacago Baad Ah Kusoo Rogay Xoolo-dhaqatada Duleedka Jigjiga.
  • Allposts
  • Warar

Ciidamada Itoobiya Oo Lacago Baad Ah Kusoo Rogay Xoolo-dhaqatada Duleedka Jigjiga.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -04-Dulqicdah-1447-Hijri

April 21, 2026
Saraakiisha Maamulkii Laftagareen Oo Ku Goodiyay Inay Weerari Doonaan Baydhaba.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiisha Maamulkii Laftagareen Oo Ku Goodiyay Inay Weerari Doonaan Baydhaba.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada