Howlgal qarax ah oo ciidamada Mujaahidiintu ay maanta ka fuliyeen deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay gaari C/Bille ah oo ay la socdeen maleeshiyaad iyo saraakiil murtadiin ah.
Qaraxaani waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay laba murtad oo mid kamid ah uu yahay xoghayaha Asluubta murtad (Mowliid Gaab), waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 kale oo murtadiin ah.
Dhanka kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Kuffaarta Kenya ay kaga suganyihiin deegaanka Ceel-raamo ee hoostaga degmada Ceel-qaalow ee gobalka Mandheer ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Kenya.