Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Fano Oo Sheegtay In Askar Badan Ay Millatariga Kaga Dishay Ismaamulka Amhara.
  • Allposts
  • Warar

Fano Oo Sheegtay In Askar Badan Ay Millatariga Kaga Dishay Ismaamulka Amhara.

December 5, 2025
War-saxaafadeed ay soo saartay Jabhadda Fano ayay ku sheegtay in guullo waaweyn ay ka gaartay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaanka Mersa ee ka tirsan degmada Habru ee waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada.
Taliska guud ee maleeshiyaadka Fano ee bariga Axmaarada, ayaa shaaca ka qaaday in dhegta dhiigga ay u dareen ku dhawaad 20 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, kadib dagaal culus oo labada dhinac ay foodda isku dareen oo ka dhacay meel u dhow magaalada Mersa.
Cutubka bari ee maleeshiyaadka Fano ee taliska Minilik Eez, ayaa sheegay in guul ay ka gaareen dagaal ka socday deggaankaasi muddo saddex maalmood oo xiriir ah, isagoo intaas ku daray in guushani ay ku timid kadib markii ay qaadeen hawlgal ciidan oo qorshaysan oo ka dhan ah ciidanka dowladda.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in tiro badan oo ka tirsan ciidanka federaalka Itoobiya ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi, kuwaas oo sida la xaqiijiyey la arkay askar badan oo tirakoobkooda aan la sheegin oo lagu daaweynayo cisbitaalka Mersa.
Sidoo kale maalmo ka hor ayaa la sheegay in askar badan oo ka tirsan ciidanka dawladdu ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar ka dhacay deggaanka Tedot Michael oo ku dhow isla magaalada Mersa, iyadoo aaggaasi lagu xasuusto weerarro khasaare badan loogu geystay isla ciidamadaasi.
Maalinnimadii shalay waxaa sidoo kale uu dagaal culus ka dhacay deggaanka Tekleshe oo ka tirsan degmada Kobo ee isla deegaanka Raya. Waxaanay Fano sheegtay in guullo ay ka gaareen dagaalkaasi, kadib markii maleeshiyaadka Fano ay si lama filaan ah u weerareen xeradii difaaca.
Dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ayaa lasoo weeriyey, iyadoo sida uu Wargeyska Borkena sheegay dagaalkaasi ay maleeshiyaadka Fano kusoo qabteen maxaabiis fara badan oo ka tirsan ciidanka dawladda.
Geesta waxaa soo baxaya warar sheegaya dagaal culus oo maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka dawladda u dhaxeeya oo ka socda deggaano kala duwan oo ka tirsan Koonfurta Wollo. Waxaanay wararka laga helayo goobtu ay sheegayaan in dagaalkaasi uu sii xoogaystay.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-06-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-06-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada