Jabhadda Amxaarada ee Fano ayaa sheegatay guullo waaweyn oo millateri, kadib markii la jebiyey guutooyin ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya.
Asres Mare Damtie oo ah sarkaal ka tirsan Fano ayaa sheegay in jimcihii lasoo dhaafay maleeshiyaadkoodu ay cagta mariyeen laba guuto oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Itoobiya.
“Guutada 3aad iyo 5aad ee qaybta 60aad ee taliska dhexe gabi ahaanba waa la burburiyey,” ayuu yiri Asres, sida uu sheegay wargeyska Borkena.
Howlgalkan ayaa la sheegay inuu socday sagaal saacadood, kaas oo bilowday 8-dii subaxnimo socday-na ilaa 5-tii galabnimo wakhtiga deegaanka.
Sida ay sheegtay Fano, 306 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa dhegta dhiigga loo daray, 43 askari oo kalena nolosha ayaa lagu qabtay, kuwaas oo 6 ka mid ah ay yihiin saraakiil sare oo millateri.
Intaa waxaa dheer, Fano waxay sheegatay inay qabsatay 120 qori oo AK 47 ah, 1 qori oo Dhashiike ah, 4 qori oo Bren ah iyo kumanaan rasaas ah.
Sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin, isla markaana Ciidanka Difaaca Itoobiya weli kama aysan hadlin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.
Dagaallada ka holcaya gudaha Itoobiya ayaa sii xoogaysanaya, iyadoo warbixinno caalamiya oo soo baxay ay sheegayaan in la filayo in dagaal culus uu mar kale ka qarxo gobolka Tigrey.