Kumanaan kun oo kamid ah goobaha ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho ayaa albaabada laysugu laabay kadib markii ay kooxda Riddada Soomaaliya soo rogtay lacago baad ah.
Shalay ayaa gudaha suuqa lagu arkayay askar iyo saraakiil lawareegaya qufullo waaweyn iyagoona xirayay goobaha ganacsiga ee milkiilayaashoodu diideen in ay bixiyaan lacagta baddda ah.
Ganacsatada ayaa sheegaya in si awood sheegasho ah lagu xiray goobahooda ganacsiga iyagoo cabasho ka muujiyay lacagaha xad-dhaafka ah ee lagusoo rogay.
Albaabada dukaamada ayaa lagu dhejiyay boorar ay ku xardhanyihiin “ganacsade iska bixi canshuurta TCC” oo ah baad cusub oo murtadiintu ladamacsanyihiin ganacsatada.
Waxgaradka Muqdisho ayaa warbaahinta usheegay in xaalad daran oo dhanka dhaqaalaha ah ay ka jirto caasimadda iyadoona waddooyinka lagu arkayo dad gaajo lajiifa.
Suuqyada qaar waxaa shaqa waayay xamaalatada hoos udhaca dhaqaalaha ku yimid aawgeed arrinkaas oo keenay in kumanaan ruux oo noloshoodu ku tiirsaneed waxa ay xoogsadaan waayaan wax ay uquutaan.
duruufahan dhaqaale ee murugsan ayaa loo sababaynayaa lacagaha baadda ah ee kooxda ridadu kusoo rogtay ganacsatada iyo dhulboobka socda oo ladegay isku dheelitirnaanta nolol dhaqaale ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaa xusid mudan in kumanaan kamid ah tujaarta gobolka Banaadir ay dhaqaalahooda kala baxeen dalka iyagoo uguuray dalal dhaca bariga Afrika.