Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Geeridii Gaashaanle Nyororo Waxay Ahayd Silsilad Rajo Oo Ay Al-Shabaab Gooyeen!!.
  • Allposts
  • Warar

Geeridii Gaashaanle Nyororo Waxay Ahayd Silsilad Rajo Oo Ay Al-Shabaab Gooyeen!!.

June 6, 2023

Wargeyska Daily Monitar ee oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer Yugaandha ayaa maqaal dheer ka qoray taliyihii ka tirsanaa ciidamada UPDF ee lagu dilay magaalada Buula-Mareer, kaas oo qayskiisu ku eedeeyeen dawlada Yugaandha iyo wasaarada gaashaandhiga inaysan si rasmi ah ugu soo sheegin geerida wiilkooda. Maqaalka oo ay qoreen saxafiyiinta kala ah Kelement Aluuma iyo Filikis Waarom Okeello waxaa marka hore looga hadlay magaca iyo macnaha Nyororo  oo ah sarkaalka la dilay.

Lahjada Lugbara ee looga hadlo waqooyi-bari Yugaandha, Magaca Nyororo macnahiisu waa silsilad.

Waxa laga yaabaa in loola jeedo waxa isku xira taayarrada si loo dhaqaajiyo baaskiilka ama mootooyinka, iyo sidoo kale tan loo isticmaalo in la iskula xirxiro alaabaha. Dad badan oo kamid ah ciidamada iyo kuwa kale ee shacabka ahba, Edward Nyororo oo ahaa gaashaanle dhexe ka tirsan ciidanka difaaca Yugaandha, wuxuu u ahaa awooda isku xirka ah ee ay leeyihiin.

Nyororo, wuxuu ahaa 46 jir ay ka buuxday awood, lahaana himilooyin badan. Waxa uu qorsheeynayay in uu shaqada ciidanimo ka fariisto bisha Agoosto ee soo socota, isla markaasna hooyadii, Ester Tokoru, oo  xanuunsan uu u dhiso guri ay ku jirto tubo biyaha laga cabo.

Hase yeeshee dhammaan himilooyinkaas waa ay khasaareen kadib markii qiyaastii 800 oo ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo weerareen Buulo Mareer, oo uu ku yaallay saldhigga Ciidamada Difaaca Dadka Yugaandha, halkaasoo oo Nyororo uu ahaa taliyaha ugu sarreeya ciidamada.

Ilaa hada oo muddo isbuuc ah laga joogo weerarka, aad bay u yartahay faahfaahinta ku saabsan sida ay ciidamada Al-Shabaab cagta u mariyeen saldhigga, una dileen tobonaan askari, kuwa kalena ay maxaabiis-dagaal ahaan u qabteen.

Maalintii Sabtida, Madaxweyne Museveni, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa sheegay in Yugaanda laga dilay 54 askari ka dib markii laba taliye oo darajada Gaashaanle ah ay sabab aananaan ilaa hadda la garanaynin ugu amreen ciidammada in ay insixaabaan halkii ay wax iska celin lahaayeen.

Waa khasaarihii ugu darnaa ee soo gaara ciidamada Yugaandha ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, tan iyo markii ugu horeysay ee loo diro dalka ku yaalla Geeska Afrika sanadkii 2007-dii, iyagoo qayb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xogaha rasmiga ah ee weerarku waa mid aad u yar. Tusaale ahaan, Misis Tokoru waxa ay sheegtay in aanan wali si rasmi ah loogu soo sheegin dhimashada wiilkeeda ee Soomaaliya inkasta oo uu darajada sare ka hayay ciidamada UPDF oo uu ka tirsanaa.

“Waxaan ka maqlaynaa saaxiibbadiis in uu wiilkaygii dhintay. Qaar kale ayaa naga soo wacay Soomaaliya, balse ma jirto cid si rasmi ah nooga soo sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo UPDF in wiilkeyga uu dhintay. Hadda waxaa laga joogaa toddobaad, waxaan rabnaa inaan u diyaargarowno aaskiisa,” ayay tiri hooyadiis.

Xaafadda Okuzoku ee duleedka Magaalada Aruuwa, dad baroor-diiqaya ayaa ku soo qulqulaya si ay ugu tacsiyeeyaan qoyska oo ay uga qayb qaataan barnaamijka aaska.

” Maadaama aanan lahayn jadwal goorta meydka la keenayo, waxaan u sheegnay dadka inaysan halkan nala joogin muddo dheer sababtoo ah waxaa nagu socda qarash aad u badan.Balse waxaan u oggolaanay qaar ka mid ah qaraabada inay sii wadaan u tacsiyaynta hooyadeen sababtoo ah aad ayay daciif tahay” Sidaas waxaa yiri Jarles Anguzu oo ay ilmo habreed yihiin sarkaalka dhintay.

Guddi loo saaray in ay wax ka agaasimaan xabaasha ayaanan wax shaqa ah haynin sababo la xiriira xog la’aan ku saabsan xaaladda uu ku dhintay Nyororo.

Xog laga helay qaar ka mid ah askarta saaxibadiisa ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa sheegeysa in Gaashaanle Nyororo uu isagu is toogtay si aysan dagaalyahanada Al-Shabaab nolosha ugu qabanin kadib markii saraakiishii isaga ka hooseysay lagu amray in ay goobta iskaga cararaan. Al-Shabaab waxay maxaabiis ahaan u qabsadeen in ka badan 12 askari sida laga soo xigtay ilo kala duwan.

Xaaladda la xiriirta dhimashada Nyororo, iyo xaqiijinta General Museveni ee fulaynimada ciidamada iyo khiyaanada dhacday, ayaa dareen murugo dheeri ah ku soo kordhisay qaraabada la ildaran khasaaraha nafeed ee laga hortegi karay.

Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada UPDF oo lagu kala magacaabo Oluka iyo Obbo, oo labadaba darajadoodu tahay Gaashaanle, ayaa xabsiga loo taxaabay waxayna sugayaan in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dacwad ku soo oogto.

Magaalada Aruura iyo guud ahaan Galbeedka Niil, dadka ayaa xusuusanaya Nyororo oo ay hooyadiis ugu baroordiiqday inuu ahaa nin adkaysi badan.

“Wiilkeyga waxa uu aqbalay in uu ka dagaalamo Soomaaliya, wuuna u dhega-nuglaan jiray madaxdiisa,” ayay tidhi hooyadiis. “Markii uu aadayay Soomaaliya, waxa uu yimid guriga bishii Febraayo halkaas oo aan ugu ducaynay, Ilaahayna uga barinay in uu ilaaliyo.”

Waxa uu ciidanka ku biiray isaga oo caruur ah sannadkii 1986-kii, oo ah sannadkii uu Museveni qabsaday talada dalka.

“Qof walba oo nool waa xaqiiqo inuu dhimanayo, waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in nala siiyo meydkiisa si aan ugu ag aasno aabbihiis iyo walaalihiis kale ee dhintay isaga hortiis, sababtoo ah way na dhibeysaa in aan nala soo ogeysiin geeridiisa. Soomaaliya waa meel halis ku ah in nin ciidan ah uu ka dagaallamo,” ayay tiri Nyororo hooyadiis oo 75 jir ah.

In kasta oo safaradiisu joogto ahaayeen sababo la xiriira hawlihiisa ciidan, Anguzu  oo ay ilma habreed yihiin gaashaanlaha dhintay wuxuu sheegay in uu soo xiriirin jiray isla markaasna uu daryeeli jiray labadiisa xaas, lix carruur ah oo uu dhalay iyo 20 ilmood oo ay dhaleen walaalihiisii dhimatay.

Dhimashadiisu waxay jartay silsiladii awooda siinaysay nolosha ilmihiisa iyo kuwii isaga ku tiirsanaa, waxayna baylah uga dhigtay mustaqbal majhuul ah.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -17-11-1444 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -17-11-1444 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-Dulqicdah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-Dulqicdah-1447-Hijri

April 22, 2026
Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada