Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Go’aankii Shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida Oo Maanta Ka Dhaqan Galay Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Go’aankii Shirkadaha Diyaaradaha Soomaalida Oo Maanta Ka Dhaqan Galay Muqdisho.

January 22, 2025

Go’aankii shaqo joojinta ee ay shalay ku dhawaaqeen maamulka shirakadaha diyaaradaha Soomaalida ayaa maanta ka dhaqan galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xilli dhanka kale maamulka shirkadahaasi ay iska diideen war kasoo baxay kooxda Riddada.

Guddoomiyaha dalladda ay ku mideysanyihiin maamullada shirkadaha ee ka howlgala Soomaaliya ninka lagu magacaabo Xassan Xaashi, ayaa waraysi uu maanta bixiyay ku faahfaahiyay go’aankii ay shalay qaateen iyo dhibaatada joogtada ah ee ay shirkadaha diyaaradaha kala kulmaan garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Xassan Xaashi ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yimid culayso lacago baad ah oo is biirsaday, kaasi oo lagu soo rogay maamulka shirkadaha ee ka howlgala Muqdosho, taasina ay bixin waayeen, ugu dambaynna ay keentay in ay go’aanka shaqo joojinta ku dhawaaqaan.

Wuxuu ganafka ku dhuftay war kasoo baxay kooxda Riddada, isagoo sheegay in lacagaha baada ee lagu soo kordhiyay ay yihiin kuwa si gaara ugu dhacaya jeebka shakhsiyaad gaar ah, sidoo kalena loogu daray hanjabaad ah haddii ay shirkaduhu bixin waayaan lacagahaasi ah ay waayi doonaan ruqsadaha shaqo.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay guddoomiyaha ururka diyaaradaha Soomaaliyeed, Xassan Xaashi in maamulka shirkadaha uu wajahayo culaysyo kale, isaga oo sheegay in mararka qaar lagu qasbo inay ku duulaan amar ka yimid kooxda Riddada ah si ay ugu fushtaan danahooda gaarka ah, taasi oo keenta in rakaabkii diyaaradda sugayay ay sidaas ku xayirnaadaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in garoonka Muqdisho ay maanta ka duushay hal diyaarad oo kaliya, taasi oo ka degtay magaalada Baydhaba, boqollaal rakaab ah ayaa maanta ku xayirnaa magaalooyinka kale ee dalka iyo sidoo kale Nairobi oo ah caasimadda Kenya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -22-07-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -23-07-1446-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -02-01-1448-Hijri

June 16, 2026
Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.
  • Allposts
  • Warar

Mujaahidiinta Oo War Kasoo Saaray Booqashadii Uu Cirro Ku Tagay Dhulka Yahuuddu Xoogga Ku Haysato (Bayaan)Akhris+Dhagaysi.

June 16, 2026
Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.
  • Allposts
  • Warar

Cirro Oo Si Rasmi Ah Xarigga Uga Jaray Safaarad Maamulkiisu Ka Furtay Qudus.

June 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada