Bogga Calamada wuxuu dhammaan akhristeyaashiisa iyo guud ahaan umadda muslimiinta ah ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidul-adxaa sannadkan 1447 Hijri, alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo qabanay maalmihii hore ee bishan Dul-xijah.
Akhristeyaasheenna waxaan leenahay farxad ku ciida, waxaan rajaynaynaa in ciiddan teeda kale uu Allaah Subxaanahu Watacaalaa nagu gaarsiiyo farxad iyo anaga oo ka guuleysannay cadowgeenna shareeco la dirirka ah, waddankana uu Allaah inooga dhigo mid xukunka shareecada islaamka uu camimo oo amniga iyo kala dambaynta wilaayaadka islaamiga ah ka jirtana uu wada gaaro dalka intiisa kale.