Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Human Rights Watch Oo Xaqiijisay Tacaddiyada Ciidanka Kenya U Geystaan Soomaalida NFD.
  • Allposts
  • Warar

Human Rights Watch Oo Xaqiijisay Tacaddiyada Ciidanka Kenya U Geystaan Soomaalida NFD.

November 6, 2019

Wargeyska Washington Post ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin dheer oo ay soo saartay hayad galeedda Human Rights Wacth taasoo sheegta inay u doodda Xuquuqda aadanaha, waxaanay warbixintani diiradda ku saartay Xasuuqa ba,an ee ay dowladda Kenya ku heyso dadka soomaaliyeed ee ku nool  Soohdin beenaadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, iyo sidoo kale dhulka la isku yiraahdo N.F.D ee Kenya gumeysato.

Warbixintan oo ahayd mid aad uu dheer ayay Human Rights kaga hadashay dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Mandheera oo ka mida dhulalka Soomaalidu leedahay ee ay Kenya xoogga ku heysto.

Human Raight waxay warbixintan ku sheegtay inay diiwaan galisay 88 kiis oo ay  Ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa Milatariga ee loo yaqaan KDF-ta ay kula kaceen shacabka Soomaaliyeed ee deegaannadaasi ku sugan.

Hayad galeeddan ayaa si gaara warbixintan kaga diyaarisay deegaan lagu magacaabo Kutulu oo ka mida deegaanada hoos taga  magaalada Mandheera ee ay dowladda Kaafiradda Kenya xoogga nooga heysato.

Warbixintan uu daabacay Wargeyska Washiton Post ayaa lagu xusay in dadka Soomaalida ah ee ku nool tuulada Kutulu ay had Iyo goorba Cabsi ka qabaan Ciidamada Kenya.

“Waan cararnaa oo waliba dhuumanaa mar kasta oo aan helno khabar sheegaya in ciidamadu soo socdaan” waxa sidaasi yiri Ciise Axmed oo ka mida dadka ku nool tuulada Kutulu

Ciise waxa uu intaa ku daray in cabsida ay ka qabaan ciidmaada Kenya darteed ay ku qasabtay inay ku dhuuntaan godad dhulka hoostii u qodan.

Hayaddan Human Rights ayaa sidoo kale sheegtay inay la kulmeen dad ka badbaaday  gacanta Saliibiyiinta Kenya kuwaasi oo ka gaabsaday inay bixiyaan,

Sharraxaad ku aadan tacaddiyadaha ay kala soo kulmeen intii ay ku jireen gacanta Kenya

Warbixintan uu daabacay Wargeyska Washitng Post ayaa sidoo kale lagu sheegay nin lagu magacaabo Maxamed Cilmi oo ka mida dadka ku dhaqan deegaanka Kutulu “Kenyaatigu waxay doonaan ayay sameeyaan mana jirto cid la hadasha amaba naga celisa” waxaa sidaasi Human Rights ku yiri Maxamed Cilmi.

Sidoo Kale warbixinta Human Rights watch ayaa lagu xusay Alle ha u naxariistee C/qaadir Cilmi, oo ahaa mocalin dugsi qur,aan ka dhigi jiray tuulada kutulu, waxaana ay Ciidamada milatariga Kenya kala baxeen xilli uu ku jiray gudaha madarasadiisa, iyagoona goor dambe meydkiisa soo dhigay deegaan u dhow Kutulu oo lagu magacaabo Caws Mudul taasoo ay aad uga naxeen dadka soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku nool.

Maxamed Cilmi oo adeer u ahaa c/qaadir ayaa hayad gaaleedani u sheegay inay Cabsi Iyo dareen ku seexdaan habeen kasta,

Cadowtooyada gaamurtay ee ay dowladda kaafiradda Kenya  u heyso dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid soo jiraan ah iyadoona la wada xasuusto xasuuqii ay Kenya ka geysatay 10- kii Febraayo sannadkii 1984 tii deegaanka Waagala oo qiyaas ahaantii 15 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Wajeer, waxaana ay Kenyaatigu dhacdadaasi xanuunka badnayd ay hal meel kuwada dileen dad gaaraya 5000 oo Soomaali ah.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dagaal Khasaara Dhaliyay Oo Shabeelada Hoose Ka Dhacay.
Next: Faahfaahin Laga Helayo Qarax Sarkaal Miino Baara Ah Lagu Dilay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-11-1447-Hijri

April 23, 2026
Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Kenya Oo Toogasho Ku Dilay Qof Soomaali Ah.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-11-1447 Hijri.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada