Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • In ka badan 60 Askari Oo Ciidanka Itoobiya Looga Layay Dagaallo Culus Oo Ka Socda Amhara.
  • Allposts
  • Warar

In ka badan 60 Askari Oo Ciidanka Itoobiya Looga Layay Dagaallo Culus Oo Ka Socda Amhara.

August 11, 2025

Weerarrada joogtada ah ee ka socda gudaha Itoobiya oo marba marka ka dambaysa sii laba-laxaadsanaya ayaa dagaallo hor leh oo khasaare badan geystay laga soo sheegayaa in ay si gaar ah uga socdaan guud ahaan gobolka Amxaarada, halkaas oo si weyn loogu wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya.

Maleeshiyaadka u dhaqdhaqaaqa Amxaarada ee loo yaqaan Fano ayaa lagu soo warramayaa in weerarro xooggan ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Gonder, waxaana sida ay Jabhadda Fano sheegatay dagaalladaasi lagu dilay ugu yaraan 66 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda saliibiyadda ah ee federaalka Itoobiya.

Sida laga soo xigtay warbaahitna Ethio Focus, dagaalkan ayaa ka dhacay dhowr deggaan oo dhaca koonfurta Gonder, waxaana lasoo werinayaa in ugu yaraan 4 askari oo mid ka mid ah uu taliye ahaa laga dilay dhinaca maleeshiyaadka Fano, inkastoo maamulka Addis Ababa aanu ka hadal dagaalkan.

Sidoo kale deggaanno ka tirsan Waqooyiga Shewa waxaa lagu soo warramayaa in sabtidii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo culus oo maryo dhiigle lagu kala furtay, gaar ahaan labo aag oo ku dhow magaalada Ataaye. Balse ilaa hadda lama shaacin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray labada dhinac.

Xogtu waxay tibaaxaysa in ciidamada dowladda ee deggaannadaasi la geeyey ay u badan yihiin kuwa komaandooska. Iyadoo 4 askari lagu soo warramayo inay ka goosteen ciidankaasi, iskuna dhiibeen maleeshiyaadka Fano.

Weerarro dhabbo-gal ay ayay wararka qaar sheegayaan in deggaannada qaar loogu dhigay kolonyo gaadiid dagaal ah oo ciidanka dowladdu ay wateen. Iyadoo dhinaca deggaanka Bahar Dar-na laga soo sheegayo dagaallo culus oo saacado badan qaatay subaxnimada sabtidii lasoo dhaafay ka bilowday agaggaasi.

Sidoo kale deegaanka Raya-Kobo ee Waqooyiga Wollo waxaa ka dhacay dagaallo xooggan, kadib markii ay is fara saareen ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Fano, waxaana lagu soo warramayaa in maleeshiyaadku ay la wareegeen gacan-ku-heynta magaalo lagu magacaabo Robit.

Jabhadda Fano ayaa shaacisay in qoriga loo yaqaan ZU-23 iyo labo hoobiye ay kusoo furteen dagaalladaasi, iyadoo maamulka Abiy Axmed uu eedayn kasoo saaray hawl-galladan oo uu ku sifeeyey mid ay wada-jir u fuliyeen maleeshiyaad ka kala tirsan Jabhadaha Fano iyo TPLF.

Hawl-galladan oo si weyn ay u tebinayaan warbaahinta maxalliga ah iyo ilo-wareedyo dhinaca baraha bulshada ah ayaa muujinaya in Jabhadda Fano ay hawlgallo xooggan ka waddo deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Amxaarada, oo ay ku jiraan beegsiga xeryaha militariga dawladda ee deegaannada qaar.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -17-02-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -17-02-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.

October 30, 2026
Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.

October 30, 2026
Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.

October 29, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada