Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Itoobiya Oo Ciidankeeda Ku Daabushay Galbeedka Siti Argagaxisona Ku Tilmaantay Soomaalida.
  • Allposts
  • Warar

Itoobiya Oo Ciidankeeda Ku Daabushay Galbeedka Siti Argagaxisona Ku Tilmaantay Soomaalida.

June 26, 2024

Dowladda xabashida Itoobiya, ayaa kumanaan ka mida askarteeda u daad guraysay galbeedka gobolka Sitti ee dhaca dhulka Soomaali-galbeed, halkaas oo isbuucyadii lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaallo ay dad badan ku dhinteen.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada xabashida ayaa lagu sheegay in ciidamo dheeraad ah loo diray dhul ay ugu yeereen bariga Itoobiya oo ay ula jeedaan dhulka Soomaali-galbeed ee gummeysiga kujira.

Taliska Abiy Axmed ayaa shacabka soomaalida ee maleeshiyaadka Cafarta la dagaallamaya ku sifeeyay kuwa argagaxiso ah isagoo wacad kumaray in uu dib u dejin u sameyn doono Cafartii laga ceyriyay galbeedka gobolka Siti.

War kasoo baxay xukuumadda Addis Ababa oo ah midkii ugu horreeyay tan iyo markii kumanaan askari Itoobiyaan ah ay tageen deegaannada Cadhuufo, Caddeyti iyo Garba Ciise, ayaa muujinaya sida xabashidu ay mas’uulka uga tahay dagaallada soo noq-noqday ee ka holcaya mandiqadda.

Dhinaca kale odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda galbeedka gobolka Siti ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay uga jawaabeen warka kasoo yeeray nidaamka xabashida.

Odayaasha ayaa carrabaabay in baaritaan dheer oo ay sameeyeen kaddib ay ku ogaadeen in ciidamo Itoobiyaan ah ay qeyb ka yihiin xasuuqa lagu hayo shacabka soomaali-galbeed ujeedkuna uu yahay in dhulka soomaalidu degto loo gacan geliyo qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

Salaadiinta galbeedka Sitti ayaa si cad u sheegay in Jeneraal Birhaan Juula oo ah taliyaha ciidanka Abiy Axmed uu ciidan gaar ah u xilsaaray sidii dhulka soomaali-galbeed gacanta looga bixin lahaa.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli dagaallo isbuucyadii lasoo dhaafay ka dhacayay galbeedka gobolla Sitti ay maleeshiyaadka soomaalidu dib ugusoo ceshadeen deegaanno dhowr ah oo horay looga qabsaday, balse waxaa markii dambe dagaalka soo farageliyay ciidamada Federaaliga xabashida, kuwaas oo mandiqadda oo idil gummeysi ku haysta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -20-12-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -21-12-1445-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.

October 30, 2026
Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.

October 30, 2026
Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.

October 29, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada