Kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ciidan boqollaal ah oo looga qabtay dhulka Soomaali-galbeed galbeed ee ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya.
Lataliyaha Amniga Qaranka, murtadka lagu magacaabo Aweys Xaaji ayaa la waydiiyay su’aal ku saabsan maleeshiyo ka tirsan kooxda oo ku sugan dhulka Soomaali-galbeed, wuxuuna ku jawaabay in maleeshiyadaasi ay fasax ku maqan-yihiin.
Mar la waydiiyay maleeshiyo boqollaal ah oo Itoobiya ku qabatay Soomaali-galbeed ayuu isku dayay in uu dafiro, wallow markii dambe uu sheegay in ay wadahadallo u socdaan kooxda Riddada iyo maamulka dowladda xabashida Itoobiya.
Maleeshiyadan oo ku dhow laba boqol oo askari ayaa maalmo ka hor lagu qabtay inta u dhaxaysa magaalooyinka Wardheer iyo Shillaabo ee dhulka Soomaali-galbeed, waxayna dowladda Itoobiya u gudbisay dhanka magaalada Jigjiga.