Inta la hubiyay ugu yaraan 17 qof ayaa dhaawacmay ka dib markii uu la rogmaday gaari Bus ah oo ay saarnaayeen.
Shilkan ayaa lasoo wariyay in habeenkii xalay uu ka dhacay jidka isku xira magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret, gaariga shilka galay ayaa siday rakaab aas kusii jeeday sida dadka deegaanku sheegeen.
Gaariga Baska ah ee shilka galay ayaa kasoo baxay Kisumu, kooxaha gurmadku waxay sheegeen in 17-ka qof ee dhaawacmay uu ka mid yahay qof gaariga ku xannibmay oo la baadi-goobayay muddo saacad ah.
Waddada uu shilku ka dhacay ayaa in muddo ah xirnayd, goor dambe ayaana dib loo furay, dadka dhaawacyada ah ayaana loo qaaday xarumo caafimaad si loo dabiibo.