Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Lacagta Shilin Soomaaliga Oo Isticmaalkeeda Laga Diiday Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Lacagta Shilin Soomaaliga Oo Isticmaalkeeda Laga Diiday Muqdisho.

April 14, 2026

Ganacsatada magaalada caasimadda Muqdisho, ayaa si rasmi ah u joojiyay qabashada lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo ay cabasho xooggan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shalay ayay mar qura shacabku ku waabariisteen diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, go’aankan ayaa si deg deg ah uga dhaqan galay suuqyada waawayn ee kuyaal caasimadda, waxaa sidoo kale shilinka Soomaaliga iska diiday wadeyaasha gaadiidka dadweynaha, sida Bii-elka, mooto Bajaajta iyo goobaha kale ee ganacsiga.

Maqaayadaha iyo baararka laga cunteeyo ee magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha laga diiday qabashada shilinka Soomaaliga, taasi oo caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Diidmada xooggan ee Shilinka Soomaaliga, ayaa loo sababeeyay in lacagtu noqotay mid duugowday, waxaa la arkayay qaar ka mid ah harqaanleyaasha oo sida dharka oo kale u tolaya lacagta go’go’an ee Shilin Soomaaliga.

Dadka gaadiidka raacaya, kuwa ka cunteynaya baararka, kuwa u dukaameysi tagaya xarumaha ganacsiga iyo kuwa kale, ayaa sheegay inay si isku mid ah loo waydiinayay inay wataan lacagaha danabeysan ama Dollarka, haddii uu qofku dhaho waxaan haystaa lacagta Shilin Soomaaligana dib ayaa loo celinayay.

Marka laga soo tago in tallaabadan ay caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxaa dhanka kale ku hanti beelay ganacsato, ilo wareedyo, ayaa sheegay in dadka uu go’aankan saameeyay ay ka mid ah sarrifleyaasha ka howlgala Muqdisho, qaarkood oo habeen hore la jiiftay faa’iidada boqollaal Milyan oo shilinka Soomaaliga, ayaa shalay kusoo toosay iyagoo jeeb maran.

Tallaabada ay gacantada Muqdisho ku joojiyeen isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan tan kunka Shilin oo laga isticmaalayay qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxaa si isku mid ah cabasho uga muujiyay qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Magaalada Muqdisho waxay ka mid ah goobaha ay ku dambeysay isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga, go’aanka diidmada lacagta ayaa sidoo kale shalay ka dhaqan galay degmada Jowhar, lacagta Shilin Soomaaliga ayaan hadda ka shaqayn inta badan dalka, laga soo billaabo dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland ilaa Beledweyne, ayaa horay uga guuray isticmaalkeeda, waxayna tani si wayn u saamayn doontaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul oo si wayn u isticmaali jiray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-Shawaal-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-10-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-Dulxijah-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -14-Dulxijah-1447-Hijri

May 31, 2026
Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.
  • Allposts
  • Warar

Warbixin Caalami Ah Oo Ka Dayrisay Qulqulatooyinka Ka Aloosan Gudaha Itoobiya.

May 31, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-12-1447-Hijri.

May 31, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada