Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Lacagta Shilin Soomaaliga Oo Isticmaalkeeda Laga Diiday Muqdisho.
  • Allposts
  • Warar

Lacagta Shilin Soomaaliga Oo Isticmaalkeeda Laga Diiday Muqdisho.

April 14, 2026

Ganacsatada magaalada caasimadda Muqdisho, ayaa si rasmi ah u joojiyay qabashada lacagta shilinka Soomaaliga, taasi oo ay cabasho xooggan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shalay ayay mar qura shacabku ku waabariisteen diidmada lacagta shilinka Soomaaliga, go’aankan ayaa si deg deg ah uga dhaqan galay suuqyada waawayn ee kuyaal caasimadda, waxaa sidoo kale shilinka Soomaaliga iska diiday wadeyaasha gaadiidka dadweynaha, sida Bii-elka, mooto Bajaajta iyo goobaha kale ee ganacsiga.

Maqaayadaha iyo baararka laga cunteeyo ee magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale ka mid ah goobaha laga diiday qabashada shilinka Soomaaliga, taasi oo caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed.

Diidmada xooggan ee Shilinka Soomaaliga, ayaa loo sababeeyay in lacagtu noqotay mid duugowday, waxaa la arkayay qaar ka mid ah harqaanleyaasha oo sida dharka oo kale u tolaya lacagta go’go’an ee Shilin Soomaaliga.

Dadka gaadiidka raacaya, kuwa ka cunteynaya baararka, kuwa u dukaameysi tagaya xarumaha ganacsiga iyo kuwa kale, ayaa sheegay inay si isku mid ah loo waydiinayay inay wataan lacagaha danabeysan ama Dollarka, haddii uu qofku dhaho waxaan haystaa lacagta Shilin Soomaaligana dib ayaa loo celinayay.

Marka laga soo tago in tallaabadan ay caqabad wayn ku noqotay shacabka Soomaaliyeed, waxaa dhanka kale ku hanti beelay ganacsato, ilo wareedyo, ayaa sheegay in dadka uu go’aankan saameeyay ay ka mid ah sarrifleyaasha ka howlgala Muqdisho, qaarkood oo habeen hore la jiiftay faa’iidada boqollaal Milyan oo shilinka Soomaaliga, ayaa shalay kusoo toosay iyagoo jeeb maran.

Tallaabada ay gacantada Muqdisho ku joojiyeen isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, gaar ahaan tan kunka Shilin oo laga isticmaalayay qaybo badan oo dalka ka mid ah, waxaa si isku mid ah cabasho uga muujiyay qaybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.

Magaalada Muqdisho waxay ka mid ah goobaha ay ku dambeysay isticmaalka lacagta Shilin Soomaaliga, go’aanka diidmada lacagta ayaa sidoo kale shalay ka dhaqan galay degmada Jowhar, lacagta Shilin Soomaaliga ayaan hadda ka shaqayn inta badan dalka, laga soo billaabo dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Puntland ilaa Beledweyne, ayaa horay uga guuray isticmaalkeeda, waxayna tani si wayn u saamayn doontaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka nugul oo si wayn u isticmaali jiray.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -26-Shawaal-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -26-10-1447 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-05-1448-Hijri

October 25, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -14-04-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -14-04-1448 Hijri.

October 25, 2026
Deni Oo Eedeyo Culus U Jeediyay Gurguurte Kuna Dhawaaqay Shir Ka Dhan Ah Villa Somalia.
  • Allposts
  • Warar

Deni Oo Eedeyo Culus U Jeediyay Gurguurte Kuna Dhawaaqay Shir Ka Dhan Ah Villa Somalia.

October 25, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada