Xilli xaalad qoobgariir ah usoo gashay maleeshiyaadka kooxda Riddada ee ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool ayay dhibaatooyin soo wajahayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaaladaasi.
Guddoomiyaha degmada Waajid ugu magacaaban Aadan Madoobe ayaa amar uu soo saaray ku sheegay in bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogeen dhammaan xaafadaha degmada islamarkaana ay gubi doonaan gaadiidka shacabka ah.
isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu ku goodiyay in laxirayo dhammaan waddooyinka soo gala degmada Waajid islamarkaana ay gubayaan gaadiidka dadweynaha.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli kooxda Riddada Soomaaliya ay diyaarado ciidamo iyo hub sida ka dejisay degmada Waajid oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan iska hor’imaadyo udhaxeeya dhinacayada isku hayo siyaasadda maamulka degmooyinka Baay iyo Bakool.
Isbuucii lasoo dhaafay ayaa Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe lagala wareegay illaa sedax degmo iyo deegaan kaabiga kuhaya magaalada Baydhaba.