Inka badan 19 dowladood oo ka jira dalalka caalamka Islaamka ayaa si kulul udhaleeceeyay tallaabada uu maamulka dabadhilifka Somaliland safaarad uga furanayo magaalada barakeysan ee Alqudus oo katirsan dalka Falasdiin.
Ururka iskaashiga dowladaha Khaliijka Carabta ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada uu qaatay maamulka isugu yeeray Somaliland ay tahay mid aan la aqbali karin oo halis gelinaysa jiritaanka shacabka Falasdiin.
Dowlado ay kamid yihiin Aala Sacuud,Qadar iyo Cummaan ayaa iyana sidaan oo kale udhaleeceeyay falka gurrucan ee maamulka ashahaadda ladirirka Somaliland uu safaarad ku sheeg uga furanayo magaalada Qudus.
Axmed Cabdi Ibraahiim oo katirsan xildhibaannada baarlamaanka daaquudka Somaliland ayaa wareysi uu siiyay telefeshinka Aljaziira ee afka carabiga ku hadla wuxuu ku xaqiijiyay in maamulkiisu uu Yahuudda wax walba siinayo ayna aqoonsi ku sheegga uga bedelanayaan saldhigyo ciidan iyo iskaashi dhanka amniga ah.
Xildhibaanka Murtadka ah ayaa si qayaxan u yiri “safaaradeena Qudus waxay ka shaqeynaysaa maslaxadeena iyo midda israa’iil oo ah dal aan saaxiibo nahay”.
Axmed Cabdi ayaa su’aalo kulul oo laga weydiiyay sida ay isku qabadsiinayaan in ay islaamnimo sheegtaan ayna kudaba feyshanyihiin yahuudda xasuuqaysa shacabka Qaza wuxuu ku adkeystay in Yahuudda ay jecelyihiin maadaama ay u aqoonsantay dowlad madax banaan.
Waxa loogu yeero maamulka Somaliland oo ah maamul ashahaadda ladirir ah ayay dowladaha ingiriiska iyo Itoobiya ka dhiseen waqooyi galbeed soomaaliya horraantii sagaashameeyadii kolkii ay burburtay dowladdii Siyaad Barre, wuxuuna maamulkan kulansaday xummaan idilkeed.