Maamulka Ashahaada ladirirka Puntland, ayaa markale maanta saldhig cusub kala wareegay maleeshiyada uu deegaannada maamulkaasi ka abaabulayay madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xasan sheikh Maxamuud.
Maleeshiyada maamulka Sicid Deni, ayaa maanta si buuxda gacanta ugu dhigay talis ciidan oo kuyaal deegaanka Carmo ee gobolka Bari, halkaas oo fariisin u ahayd maleeshiyada PSF ee taabacsan kooxda Riddada Gurguurte.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska maamulka Riddada Punland, ayaa lagu xaqiijiyay la wareegitaankooda saldhigga deegaanka Carmo, waxayna intaas ku dareen in tani ay qayb ka tahay tallaabooyinka lagu xaqiijinayo Amniga.
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maamulka ashahaada ladirirka ah ee uu fadhigiisu yahay Garoowe uu dhowaan maleeshiyada ku sugan deegaannada maamulkaasi ugu baaqay inay u hoggaansamaan hayadahiisa ammaanka.
Taliska ciidan ee Carmo ee u gacan galay maleeshiyada Deni, ayaa noqonaya kii 3-aad oo maalmo kooban gudahood laga fara maroojiyo maleeshiyaadka taabacsan kooxda Gurguurte.