Mid ka mida warbaahinnada u janjeera dhinaca Yahuudda laguna magacaabo Middle East 24 ayaa saacadihii lasoo dhaafay baahiyay war sheegaya xarun amni oo wada-jir ay u samaysteen labada maamul ee ashahaado-la-dirirka Somaliland iyo Puntland.
Xaruntan cusub ayay warbixintu sheegtay in labada maamul ay iskaashi ahaan ugu adeegsan doonaan difaaca marinnada maraakiibta ee Badda Cas. Iyadoo warbaahinnada qaar tibaaxeen in xaruntani ay isku xirayso sirdoonka labada dhinac.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah, xaruntan ayaa markii u horeysay lagu daah-furay magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay inay si gaar ah diiradda u saari doonto sugidda amniga Badda, burcad-badeeedda iyo waxa loogu yeero argagaixisada.
Ilaa hadda labada maamul midkood-na kama uusan hadal xaruntan sirdoon ee wada-jirka ay u samaysteen, taas oo daah-furkeedu uu kusoo aaday xilli dowladda saliibiyadda Maraykanku ay galaangal xooggan oo amni la leedahay Puntland iyo Somaliland.
Maamulka Yahuudda oo isna gumaysi hor leh la damacsan Soomaaliya, ayaa haatan sii xoojiyey dhaqdhaqaaqiisa gobollada waqooyi, waxaanu magaalada Berbera ka wadaa dhismaha saldhigyo millateri oo uu doonayo inuu soo dejiyo ciidamadiisa.