Maleeshiyo ka tirsan kuwa maamulkii hore ee Laftagareen, ayaa saaka dhowr jiho kasoo weeraray magaalada Baydhaba ee xaruunta gobolka Baay.
Marka hore dagaallo culus oo labada maleeshiyo u dhaxeeya ayaa laga soo calaamadiyay xeryaha kuyaal duleedka magaalada, waxayna ugu dambeyn maleeshiyada Laftagareen dagaal ka dib gudaha usoo galeen xaafadaha magaalada Baydhaba.
Sawirro iyo muuqaallo qabsaday baraha bulshada, ayaa waxay muujinayeen dagaalka oo kusoo fiday xaafadaha magaalada ka gadaal markii la isla soo dhaafay xeryihii bannaanka magaalad kuyiillay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada dhinac uu khasaare kasoo kala gaaray daagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhaba oo saraakiil iyo askar ba la iska dilay, abbaare barqadii ayay dambayn maleeshiyada Laftagareen dib uga baxeen aagaggii ay weerarka kusoo galeen.
Saraakiil muhiim u ahaa maamulka Aadan Madoobe ayaa lasoo warinayay in lagu dilay dagaalkii dhacay, waxaana ka mid ah Taliyihii Ilaalada Gaarka ah ee Aadan Madoobe iyo Taliye Xigenkii Ururka 11 aad ee Booliiska Birmadka loogu yeero qeybta Baydhabo, gaar ahaan Maaya Fuulka, Axmed Samakaay iyo askar iyo saraakiil kale.
Waxaa sidoo kale ciidanka maamulka Ashahaada la dirirka Aadan Madoobe laga dhaawacay saraakiil kale iyo askar, waxaana wararka qaar sheegayaan in maleeshiyada Laftagareen ay gaadiid dagaal qabsadeen maleeshiyaadka uu madaxa u yahay Aadan Madoobe, kuwaas oo uu ka mid yahay gaari uu qori Suug ah saaran yahay.
Dagaalkii saaka dhacay ayaa lagu tilmaamay kii ugu wakhtiga dheeraa ee dhinacyada dhexmara ayna martigeliso Baydhaba tan iyo markii uu Xasan Gurguurte magaaladaasi ka saaray maamulkii Laftagareen.