Sida ay ku warrantay warbaahinta Al Jazeera, maamulka Trump ayaa muujiyey diyaar-garow cusub oo ku aaddan in miiska wadahadalka mar kale la iskugu keeno Washington iyo Tehran, kadib in muddo ah oo wadahadalladu ay hakad ku jireen.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in qodobka ugu weyn ee wali muranka xooggan ka taagan yahay uu yahay arrinta uranium-ka, gaar ahaan heerka kobcinta uranium-ka ee ay waddo Iiraan.
Mareykanka iyo xulafadiisa gaallada reer-galbeedka ayaa ka walaacsan in Tehran ay sare u qaadday kobcinta uranium-ka heer ka fog baahiyaha tamarta rayidka, taasoo ay ku tilmaameen mid halis gelin karta amniga gobolka iyo kan caalamka.
Dhanka kale, Iiraan ayaa ku adkeysaneysa in barnaamijkeeda nuclear-ka uu yahay mid nabadeed oo loogu talagalay tamarta iyo horumarinta cilmiga, iyadoo diidday eedeymaha sheegaya inay damacsan tahay inay sameysato hub khatar ku ah nabadda caalamka.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shalay ka hadlay xaaladda wadahadallada iyo colaadda kala dhaxaysa Iiraan. Wuxuu sheegay in Tehran ay dani ugu jirto inay heshiis gaarto, isagoo ka digay haddii aysan heshiis gaarin inay wajihi doonaan xaalad halis ah.
Waraysi uu Trump siiyey mid ka mida telefishannada Faransiiska ayuu ku muujiyey in haddii xal deg-deg ah la waayo uu diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyin millateri oo ka dhan ah Iran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraaqjii ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo dagaal toos ah oo militari oo ay la gasho Mareykanka, haddii wada-hadalladu aysan soo saarin natiijooyin la aqbali karo.
Caraaqji ayaa carrabka ku dhuftay in dagaalka gardarrada ah ee Maraykanka iyo Yahuuddu ay bilaaabeen uu sababay inuu si toos ah saamayn taban ugu yeeshay qof walba oo ku nool gudaha waddanka Maraykanka.
Qiimaha tamarta iyo sicir-bararka Mareykanka ayaa si weyn u kordhay tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo, taasoo sababtay xannibaadda ay Iran kusoo rogtay Marinka Hormuz, halkaas oo qiyaastii shan meelood meel laga dhoofiyo saliidda iyo gaaska adduunka.
“Dadka Mareykanka waxaa loo sheegay inay ku khasban yihiin inay dusha u ritaan kharashaadka cirka isku shareeraya ee uu sababay dagaalka sida kibirka ah loogu qaaday Iran,” ayuu Caraaqjii ku qoray bartiisa xiriirka bulshadda ee X.
Muxammed Baaqer Qaalibaaf, afhayeenka baarlamaanka Iiraan ayaa isna ku jees-jeesay Maraykanka, waxaanu muujiyay kharashaadka dhaqaale ee aadka u ballaaran ee dagaalka lagu qaaday Tehran uu ku yeeshay gudaha waddanka Mareykanka.
Dowladda Shiicada Iiraan waxay ku doodaysaa in dagaalku uu Maraykanka ku keenay sicir-barar, deyn gaaraysa $39 tiriliyan, oo doollar iyo kor-u-kac ku yimid dulsaarka ay gaalladu isticmaasho ee bangiyada.
Ibrahim Azizi, madaxa Guddiga Amniga Qaranka ee baarlamaanka Iran, ayaa isna Sabtidii shalay sheegay in Tehran ay diyaarisay hannaan cusub oo lagu maamulayo maraakiibta maraysa Marinka Hormuz iyadoo loo marayo waddo cayiman, kaas oo uu xusay in dhawaan la shaacin doono.
“Habkan cusub, kaliya maraakiibta ganacsiga iyo dhinacyada la shaqeeya Iran ayaa ka faa’iideysan doona,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in maraakiibtu ay bixin doonaan lacag, halka taageerayaasha ‘Mashruuca Xorriyadda’ ee Washington laga mamnuuci doono inay maraan.
Iran waxay weli ku jirtaa xaalad feejignaan iyo abaabul militari inkastoo ay jirto xabbad-joojin jilicsan. Dowladda ayaa shacabkeeda u gudbinaysa farriimo dhiiri-gelin ah oo muujinaya sidii wada-jir looga hor-tegi lahaa gardarrada Maraykanka iyo xulafadiisa.