Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Weeraro Waaweyn Oo Al Shabaab Ay Ka Fuliso Magaalada Muqdisho
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digay Weeraro Waaweyn Oo Al Shabaab Ay Ka Fuliso Magaalada Muqdisho

May 5, 2018

Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Maraykanka ayaa soo saartay war saxaafadeed digniin ah oo ku socoda muwaadiniinteeda jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Maraykanka ayaa ka digaya weeraro cul culus oo ay qorsheyneyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo jawaab u ah sida ay sheegeyso wasaaradda go’aanka Donald Trump ee safaaradda Maraykanka kaga soo rarayo magaalada Talla’biib kuna keenayo magaalada Al-Qudus.

Warka kasoo baxay Wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka waxaa looga digay muwaadiniinta Ameerikaanka ah iney ka warhayaan xaaladaha amni ee jira, islamarkaana soojeed iyo taxadar badan ay muujiyaan.

Waxay sidoo kale muwaadiniinteeda ugu baaqday iney la socodaan idaacadaha maxalliga ah, si ay u helaan macluumaadyo dhameystiran oo ku saabsan gudaha, waxaana wasaaraddu sheegeysaa in weeraradan ay beegsan doonaa  kaniisadaha iyo goobaha dalxiiska.

Maraykanka ayaa sheegaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay damacsantahay fulinta silsilado weeraro ah oo ay u adegsan doonto taktiikaat iyo habab kala duwan oo cusub, waxaana bayaanka wasaaradda lagu lifaaqay nambar teleefan oo ay leedahay safaaradda Maraykanka ee Nairoobi, oo ay la xiriiri karaan muwaadiniinteeda jooga Soomaaliya haddii ay halis dareemaan.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dagaalka ee Maraykanka, waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya 500 oo askari, waxaana ay u badantahay in ciidamadoodu ay intaas kabadanyihiin, waxaana intaas dheer muwaadiniinta dhar cadka ee la shaqeeya hay’adaha, dowladda federaalka, iyo Shisheeyaha duulaanka soo qaaday, kuwaas oo aad u farabadan.

Digniintan ayaa saameyn ku yeelan doonta muwaadiniinta ka socoda wadamada Shisheeye ee jooga magaalada Muqdisho, waxaana ay kusoo aadeysaa xilli bisha Ramadaan ay nagu soo wajahantahay oo inta badan Mujaahidiintu fuliyaan weeraro qorsheysan oo waaweyn.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Akhriso Mujaahidiinta Alshabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Duleedka Mandheere.
Next: Taliye Ku Xigeenkii Booliska Puntland Oo La Dhaawacay.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-05-1448-Hijri.

October 21, 2026
Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Weeraro Lagu Beegsaday Saldhigyo Kuyaal Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

October 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-05-1448-Hijri

October 20, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada