Xarunta Daraasaadka waxa loogu yeero Xuquuqda Aadanaha iyo Siyaasadda ee CHRIPS (Kiriips) oo fadhigeedu yahay Nairobi ayaa daraasad ku samaysay weerarrada Geesiyada Tawxiidka Bariga Afrika ee Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyaan dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Iyadoo walaac xooggan muujinaysa, ayaa ugu horeyn waxay qirtay in dhiig-bax daran uu ku socdo ciidamada kala duwan ee dowladda saliibiyadda Kenya ee ka hawl-gala gobollada ay xoogga ku haysato ee ay ka midka yihiin Mandheera, Gaarisa, Laamuu iyo Wajeer.
Qiimayn ay hay’addani ka samaysay weerarradii ay mujaahidiintu sannadkii hore ee 2025 ka fuliyeen gobollada ku hoos-jira gumeysiga Kenya, ayay ku sheegtay in ciidamada ammaanka Kenya ay la kulmeen khasaare baaxad leh oo dhimasho iyo dhaawac-ba isugu jira.
Hey’adda CHRIPS waxay sheegtay in bartilmaameedka Al-Shabaab uu yahay ciidamada Kenya iyo saldhigyadooda, iyadoo intaa ku dartay in qaybaha kala duwan ee hawl-gallada mujaahidiinta ay ka mid yihiin weerarro hubaysan oo fool-ka-fool ah iyo kuwa loo adeegsado walxaha qarxa.
Warbixintu waxay hoosta ka xariiqday in sannadkii 2025 weerarrada ugu badan mujaahidiintu ay ka fuliyeen gobollada Mandheera, Gaarisa, Laamuu iyo Wajeer. Iyadoo si gaar ah Mandheera ugu tilmaantay gobolka ugu badan ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey weerarradaasi.
Hawl-galladan ayay sidoo kale hey’addu xustay in qayb ay ka ahaayeen weerarro si gaar ah loogu bartilmaameedsanayay saraakiisha ugu sarraysa ciidanka millateriga iyo kuwa booliska, kuwaas oo CHRIPS ay ku sifaysay qayb weyn oo ka mid ah khatarta Mujaahidiinta.
Xarunta Daraasaadka Xuquuqda Aadanaha iyo Siyaasadda (CHRIPS) ayaa sidoo kale sheegtay in khataraha amni dul-hoganaya dowladda Kenya iyo ciidamadeeda kala duawn ay weli yihiin kuwo aad u sarreeya, maadaama mujaahidiintu ay sii xoojiyeen hawl-galladooda.