Wararka ka imaanaya gobolka Sh/dhexe, ayaa sheegaya in qarax culus lagu beegsaday maleeshiyo murtadiin ah oo ku sugnaa gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay murtadiinta.
Qarax oo ahaa mid culus ayay ciidamo ka tirsan Mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar, waxaana lagu beegsaday Xarunta CID-da, halkaas oo ay degganyihiin maleeshiyaadka Riddada gaar ahaam Guutada 3-aad.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah, ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa, waxaana ku burburay qayb ka mid ah dhismihii ay deggannaayeen maleeehiyaadkaasi.