Jugta qaraxyo culus ayaa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada caasimadda Muqdisho, kaddib markii ay ciidanka Mujaahidiintu ilaa laba qarax ku weerareen fariisin ciidan oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada.
Qaraxyadu waxay si gaar ah u beegsadeeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta kaga sugnaayeen xaafadda Soona-key ee degmada Hodan, waxaana jira khasaare gaaray Riddada.
Dhanka kale, Ciidamada Mujaahidiintu waxay saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus ku qaadeen xeryaha ciidamada Kufaarta Yugaandha ee degmada Qoryooley iyo deegaanka Golweyn ee hoostaga degmada Buulo-mareer.