Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Qoyska Askari Kenya looga Dilay Soomaaliya Oo Ka Sheekeeyay Qaabkii Wiilkooda Loo Dilay [Warbixin].
  • Allposts
  • Warar

Qoyska Askari Kenya looga Dilay Soomaaliya Oo Ka Sheekeeyay Qaabkii Wiilkooda Loo Dilay [Warbixin].

May 14, 2018

Isbuuc Kadib oo askar Kenyaantiga ah lagu laayay qarax ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ayay baroortu kasoo yeeraysaa shacabka Kenya ee wiilashooda usoo diray Jaxiimada dagaalka ka socda gayiga soomaaliyeed.

Qoyskaan kenyaatiga oo ku nool magaalada kiliifi oo 56 kiloowmitir waqooyi bari uga began magaalada Mombasa ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah wiilashooda oo ka tirsanaa Mellatariga Wadanka Kenya uu ku dhintay qaraxii isbuucii la soo dhaafay ka dhacay xadbeenaadka kala qaybiya Kenya iyo Soomaaliya .
Qoyskaan oo saxaafada wadanka Kenya la hadlay ayaa sheegay in wiilkooda oo lagu magacaabo Heenri Mataano oo da’diisu ay aheyd 51 jir uu ka mid ahaa 12 askari oo ka tirsanaa malatariga Kenya kuwaasi oo lagu dilay qarxii ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey .
Askarigan kenyaatiga ah ee la dilay ayay qoyskiisu sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada deggan xerada millatari ee Niyaali ee ku taalla magaalada Mombasa , waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu kusoo wajahnaa gudaha wadanka Kenya kadib markii uu soo dhameystay wax ay ku tilmaameen howllo uu ka hayay gudaha Soomaaliya .
Qoyska askarigaan ka tirsanaa Melleteriga  Kenya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin qaabkii ay u noolaan lahaayeen maadaama uu Askarigaan ahaa qofka kaliya ee biilka reerka bixin jiray .
Hrikeel Haari, oo ah armalada Askarigaan la dilay oo u warrantay Saxaafadda ayaa sheegtay in markii ugu dambesay ee ay ninkeeda la hadasho ay aheyd habeenkii sabtiga aheyd balse ay si wanaagsan isku maqli waayeen sababao la xariiri anteenada telefoonka oo aan wanaagsaneen balse uu maalintii Axada aheyd ee ku xigtay geeriyooday
“waxaan aad uga murugsanahay sidii aan u korin lahaa waxna u bari lahaa 5 Carruur ah ee aan dhalnay, Aabohood waxaa uu lahaa himilooyin aad u waa weyn oo ku aaddan carruurtiisa 5-ta ah ” ayey hadalkeeda sii raacisay
Qoyska Askarigaan kenyaatiga ee ku dhintay Qaraxa Al Shabaab  kula beegsadeen duleedka Magaalada Dhoobleey ayaa sheegay in wiilkooda uu ku biiray Ciidanka Kenya sanadkii 1989-kii ,uuna ciidamada ka tirsaan muddo 29 sana ah .
Sidoo kale nin saaxiib dhow la ahaa Askarigaan dhintay oo magaciisa ku sheegay kombo mawasudi ayaa isaguna saxaafada u sheegay in taleefoon looga soo diray Saldhiga Ciidanka Niyaali iyadoona lagu wargaliyaya geerida Saaxiibkiisa .
“Inta badan aniga iyo Heenri waxaan isku raaci jirnay xerada niyaali ee magaalada Mombasa, halkaasi oo uu isagu ka shaqeyn jiray, markii uu qaraxa ka dhacay Somaliya teleefon ayaa waxaa ii soo diray Askar kale oo igu wargaliyay weerarka dhacay iyo geerada saaxiibkey ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mawasud”i .
Wargeyska The IStaandar ee ka soo baxay wadanka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qoys oo kale oo kenyaati ah oo ku dhaqan Mombasa oo uu ku jiro qoys deggan deegaanka Mawakirunge ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaraabadooda oo ka mid ah ciidanka Kenya ay ku dhinteen qarax ka dhacay duleedka magaalada dhoobleey .
Melleteriga Kenya ayaa khasaara lixaad leh lagu gaarsiiyay dagaallada ka holcaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, weerarada dhabbagallada ah, qaraxyada iyo weerarada xoog kugalka ah ee Al Shabaab ku beegsado melleteriga KDF ayaa dhaliyay dhimashada boqolaal askari mana muuqato wax guul lataaban kara ah oo Kenya ay ka gaartay duullaankeeda Soomaaliya.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso:Wilaayada Shabeellaha Hoose Oo ka hadashay Dadkii Uu Maraykanku Ku Leeyahay Deegaanka Macallinka Ee Duleedka Afgooye.
Next: Akhriso Kalimadda Xakiimul Ummah Oo Af-somali Lagu Tarjumay.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-10-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -29-10-1447-Hijri

April 16, 2026
Sarkaal Ka Tirsan Villa Somalia Oo La Dilay+Askar Lagu Dilay Gaalkacyo.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Ka Tirsan Villa Somalia Oo La Dilay+Askar Lagu Dilay Gaalkacyo.

April 16, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -28-10-1447 Hijri.

April 16, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada