Howlgal qarax ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu maanta ka fuliyeen inta u dhaxeysa Buuraha Galgala iyo deegaanka Balli-khadar ayaa lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Riddada ee Puntland.
Qaraxaasi waxaa ku dhintay 1 murtad oo ahaa sarkaal ciidan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Shiine Gurxan, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay 4 murtad oo laba kamid ah ay askar ahaayeen, halka labada kalana ay ahaayeen saraakiil.
Saraakiisha qaraxaasi lagu dhaawacay ayaa kala ah, Kabtan Maxamed Kacaan iyo sarkaal kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Sumbul.
Dhanka kale, dagaallo lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayaa maanta laba jeer waxay ka dhaceen nawaaxiga magaalada Jannaale ee Sh/hoose, waxaana jira khasaare murtadiinta soo gaaray, waxayna dib ugu noqdeen magaalada Jannaale.
Sidoo kale, faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Mubaarak, dhimashadu waa 2 askari oo murtadiin ah.