Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in la dilay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Booliiska kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo dilkiisu warar kala duwan kasoo baxayaan.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay hoy uu sarkaalkan ka degannaa degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaa dilka sarkaalkan lasoo wariyay in ay xaqiijiyeen qoyskiisa.
Sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Sarreeye Guuto, Salaad Maxamed Guuleed, ayaa ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Booliiska kooxda Riddada Soomaaliya, dilkiisa ayaana lala xiriiriyay ilaaladiisa gaarka ah.
Ma jiro war kasoo baxay kooxda Riddada oo ku aaddan dilka loo gaystay ninka sarkaalka ah ee ka tirsanaa Booliiskeeda.