Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • The National: Al-Shabaab Waxay Leeyihiin Garsoorka Ugu Wanaagsan Soomaaliya.
  • Allposts
  • Warar

The National: Al-Shabaab Waxay Leeyihiin Garsoorka Ugu Wanaagsan Soomaaliya.

July 22, 2019

Wargeyska The National ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo nidaamka garsoor ee ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka hirgelisay wilaayadka islaamiga ee ay gacanta ku heyso.

Warbixintan oo uu qoray nin u dhashey wadanka Ingiriiska oo lagu magacabo Colin Freeman, ayaa sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku guuleysatay in dalka  Soomaaliya ay ka hirgeliso  nidaam garsoor, oo uu ku tilmaamay inuu yahay kan ugu wanaagsan ee ka jira wadanka.

“ Al-Shabaab waxay ku guuleysatay in dalka Soomaaliya ay ka taagto nidaam garsoor oo wanaagsan, tan iyo markii uu dhacay maamulkii Siyaad barre, halka xukuumadda Soomaaliya ee uu reer galbeedku taageero ay ku guul dareysatay iney dhisto garsroor la tartama Xarakada, sababo ku aadan musuq maasuq ku baahay dalka, iyo is qab qabsi u dhexeeya xukuumadda” ayaa lagu yiri warbixinta.

Marry Harber oo ah wariye katirsan BBC-da qeybteeda Africa, ayaa iyaduna waxay sheegtay in Xarakada Al-Shabaab ay dalka Soomaaliya ka hirgelisay xukun waxtar leh, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay dhacday dowladdii uu hogaaminayay Maxamad Siyaad Barre.

Dhinac kale, warbixintu waxay soo hadal qaaday weerarkii weynaa ee dhawaan dagaalyahanno Naftood huriyaal ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen hotelka Cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Qoraaga warbixinta ayaa sheegaya in weerarkaas uu ahaa mid kamid ah cadeymaha muujinaya awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, taas oo uu weli sheegay iney gacanta ku heyso muuqaalka amni ee ka jira magaalooyinka ka baxsan gacanteeda.

Mar uu ka hadlayay Freeman, dadka ku sugnaa hotel Cascaseey, iyo qaabka uu u dhacay weerarka ayuu sheegay in dadka la beegsaday ay ku jireen wasiirro hore, musharixiin u tartamaya xilka  madaxtinimada, dagaal oogayaal iyo xubno muhiim ah.

“Sodon sano kadib, gawaarida miineysan iyo iqtiyaalaadka dhacaya, waxay ku qasabtay madaxda sar sare iney aad isku qariyaan, xaafadahoodana ka door bidaan hotellada amaankooda sida aadka ah loo adkeeyo.

“ Weerarkii Cascaseey ee Kismaayo wuxuu markale sugay in dareenka amni ee jira uu yahay mid lagu sirmay, wuxuu socday weerarku inkabadna 14 saacadood, iyadoo lagu daah furay qarax weyn, kadibna rag xoog ku galayaal ah ayaa gudaha u gudbay, halkaasna waxay ku dileen tobanaan ruux oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashey wadamada Maraykanka, Kenya, Uganda, Tanzaniya iyo Shiinaha. Intaas waxaa dheeraa dhimashada tiro siyaasiyiin ah, iyo xubno katirsan dowladda, oo ku dhuumaaleysanayay hotelka” ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay wargeyska The National.

Marry Harber, oo ka howlgasha warbaahinta Ingiriiska ee BBC-da, marar badana booqasho ku timid Soomaaliya ayaa sheegeysa In hotelladu ay guryo iyo goobo lagu shiro u yihiin xubnaha dowladda, hotellada qaarkoodna waxayba ku tilmaamtay iney yihiin wasaarado dowladeed.

Balse waxay intaa ku dartay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si toos ah uga warheyso waxa ka socda gudaha hotellada, si joogta ahna ay weeraro ugu soo qaado.

Warbixinta waxay inta ku dareysaa “ inta badan hotellada caalamiga ah ee ku yaala Muqdisho marar badan ayaa la beegsaday, Al-Shabaab-na waxay helaan dulduleello amni, kuwaas oo ay soo gudbiyaan shabakado sirdoon oo aad u dhisan”.

Marry Harber ayaa iyaduna waxya buug cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ay si dhow ula socoto waxay sameynayaan siyaasiyiinta, hotellada  ay deganyihiin, iyo xitaa raashiinka ay cunaan.

Waxay intaa ku dartay “macluumaadkaas waxay mararka qaar u adeegsadaan dilal qorsheysan, kuwana waxay u usticmaalaan digniino”.

“Dhamaan xaqiiqooyinkan, waxay jawaab u yihiin su’aal cad oo uu Donald Trump, madaxweynaha Maraykanka  waydiiyay wasaaradda arimaha dibadda, taas oo ahayd “ maxaan uga guuleysan la’nahay Al-Shabaab, oo aan dagaal kula jirno inkabadan toban sano?”sidaas waxaa leh warbixinta.

Dhanka kale, warbixinta lagu daabacay wargeyska The National waxay soo gudbineysaa qiimeynteeda ku aadan usluub dagaaleedka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

“ Xarakada Al-Shabaab waxay xooga saareysaa dagaalka Jabhadeynta, raayadeeda madowna waxay ka dul babaneysaa masaaxo ballaaran oo kamid ah koonfurta Soomaaliya, maamullada ay yegleeshana waxay ka kaaftoomeen taageera dibadeed iyo mid caalami. Xaqiiqdii Al-Shabaab waa jamaacadii ugu horeysay ee Jihaadi ah, oo maamusha dhul sidan u ballaaran muda intan la eg” ayuu yiri Colin Freeman.

Warbixintan uu daabacay wargeyska The National, isalarmkaana uu qoray qoraaga Colin Freeman oo u dhashey wadanka Ingiriiska waxaa lagu soo khatimay “kadib toban sano oo ay Xarakada Al-Shabaab ku hor sugnaatay qorshayaasha la dagaalanka Argagaxisada, waxay Xarakadu sii jiri doontaa waqti aad u dheer, inta ay jirtana suurtagal uma ahan madaxda degan hotellada iney mardhow kusoo laabtaan xaafadahooda”.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Qarax Ka Dhacay Xaafadda Madiina Ee Magaalada Muqdisho.
Next: Shabaabul Mujaahidiin Oo Howlgal Ka Fuliyay Duleedka Muqdisho.

Related Stories

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.
  • Allposts
  • Warar

Ku Dhawaad 20 Tahriibeyaal Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Biyaha Badda.

April 23, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -06-11-1447 Hijri.

April 23, 2026
Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
  • Allposts
  • Warar

Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

April 23, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada