Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Uganda Oo Sheegtay Inay Ku Biiri Doonto Dagaalka Iiraan Si Ay U Taageerto Yahuudda.
  • Allposts
  • Warar

Uganda Oo Sheegtay Inay Ku Biiri Doonto Dagaalka Iiraan Si Ay U Taageerto Yahuudda.

March 26, 2026

Taliyaha Ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa taageero kal iyo laab ah u muujiyey Yahuudda, xilli uu socdo dagaalka Iiraan, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Jerusalem Post oo ka mida warbaahinta ugu afka dheer Sahaayinada.

Qoraallo taxane ah oo maalmahan u dambeeyey uu ku baahiyey bartiisa xiriirka bulshadda ee X/Twitter, ayuu Gen. Kainerugaba ku caddeeyey in Uganda ay dagaalka geli doonto isla markaana ay weerari doonto Iiraan haddii la jebiyo Yahuudda.

“Waxaan rabnaa in dagaalka Bariga Dhexe uu hadda dhammaado. Dunidu way ku daashay,” ayuu qoray, isagoo intaas ku daray in hadal kasta oo ku saabsan burburinta ama jabinta Israel ay Uganda ku khasbanaan doonto in dagaalka ay gasho.

Qoraal kale oo wargeysku sheegay in markii dambe la tirtiray, ayuu Janaraal Kainerugaba ku sheegay in Ciidamada Uganda, ay bilaabi doonaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dagaalka iyagoo barbar istaagaya Israel haddii uusan si dhakhso ah u dhammaan.

“Israel waxay xaq u leedahay inay jirto, weerarrada ka dhanka ahna waa in la joojiyaa,” ayuu yiri, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, sida lagu sheegay warbixintan oo maanta oo Khamiis ah lagu soo daabacay baalasha hore ee wargeyska The Jerusalem Post.

Sidoo kalen Gen. Muhoozi Kainerugaba wuxuu sheegay in Uganda ay diyaar u tahay inay taageerto Yahuudda, isagoo dhanka kalena caawimo millateri oo ka dhan ah Iiraan u bandhigay isbahaysiga Maraykanka iyo Sahaayinada.

“Waxaan qabsan kari lahayn Tehran 72 saacadood gudahood annagoo aan wax duqeyn ah samayn,” ayuu ku dooday, “laakiin dabcan marnaba ma dhegaystaan nin madow…” ayuu yiri taliyaha ciidamada Uganda, Gen. Kainerugaba.

Wargeysku waxa kale oo warbixintiisan uu ku sheegay in Gen. Kainerugaba uu bishii hore ku dhawaaqay in Uganda ay dhowaan garoonka diyaaradaha ee Entebbe International Airport ka dhisi doonto taallo lagu sharfayo askari Yahuudi ah oo lagu magacaabi jiray Yonatan Netanyahu.

Askarigan oo R/Wasaaraha hadda ee Yahuudda ay walaalo ahaayeen, ayaa ku dhintay hawl-gal uu hoggaaminayay oo 1976-kii ka dhacay gudaha Uganda, kaas oo lagu soo furanayay rakaab Yahuud ah oo lagu afduubtay diyaarad Faransiis ah, taas oo laga dejiyey magaalada Entebbe.

Wuxuu sheegay in taallada laga dhisi doono goobtii saxda ahayd ee Yonatan Netanyahu lagu dilay isagoo doonayay inuu soo furto ku dhowaad 100 qof oo Yahuud ah oo la afduubtay. Isagoo intaa raaciyey in astaantani ay muujinayso xiriirka qotoda dheer ee Talaabiib iyo Kampala.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -07-10-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -08-10-1447-Hijri

Related Stories

Dad Shacab Ah Oo Ku Shahiiday Duqayn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Buqaqable.
  • Allposts
  • Warar

Dad Shacab Ah Oo Ku Shahiiday Duqayn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Buqaqable.

May 25, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 08-12-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 08-12-1447-Hijri.

May 25, 2026
Saraakiil Iyo Xildhibaan Isku Dhiibay Maleeshiyada Maamulkii Hore Ee Laftagareen.
  • Allposts
  • Warar

Saraakiil Iyo Xildhibaan Isku Dhiibay Maleeshiyada Maamulkii Hore Ee Laftagareen.

May 25, 2026

Sawirro

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada